Madaxweynaha Puntland cudurka dawadiisa xagee ka raadiyey?, dib u furidda tirada Baarlamaanka!

0

Maamulka Puntland waxa uu madaxa la sii galayaa 20 sano jir, waxaa soo maray tiro Madaxweynayaal ah, iyo afar baarlamaan, wax badan waa u qabsoomey wax badana waa ka dhiman yihiin ama waa ku fashilmeen kuwii u dhaartey in ay hoggaamiyaan. Dhawaan waxa  Madaxweynaha Puntland uu ku dhawaaqey  in uu qoraal u direy Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka dalabanaayo in la furo tirada Xildhibaanada Golaha Wakiilada, Faahfaahin kale oo uu Madaxweyne si cod ah uga bixiyey ayuu sheegay in ay jiraan beelo dulman oo aan Baarlamaanka ku lahayn Xildhibaano, iyo kuwo qoondadu ku yartahay kuwaas oo la doonaayo in Baarlamaanka loogu siyaadiyo  Xildhibaano saxiixa Cabdiweli Gaas ku yimid. Haddaba si aan u ogaano waxa Madaxweynaha ku kalifey in uu meel uga dhaco Heshiiskii Puntland lagu dhisey iyo dastuurka u yaala oo uu  sacabo tumo arrin buuq gelin karta xasiloonida Puntland ayaan isku dayeynaa in aan tooshka ku ifino waxa odayga ku xanbaarey doonitaankan ah in tirada Baarlamaanka la furo oo la kordhiyo, waxaana ka soo qaadi  qodobo dhawr ah, kadib qoraalka danbe ee kan xiga ayaan ku faleqeyn doonaa Xildhibaanada Puntland tiradooda iyo sida lagu qaybsadey, sida wax looga beddeli karo Dastuurka iyo arrimo kale oo la xiriira.

Fashilka nidaamka axsaabta badan ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas doorashadiisi waxay ahayd mid timid xilli loo baahnaaa waxaa loo soo dhaweeyey si weyn, Madaxweynuhu waxa uu ballan qaadey himilooyin siyaasadeed oo uu wax uga beddalaayo, xaaladda la daa’imay (Status quo), haddaba waxaa la is-weydiinayaa ballan qaadkiisi dhanka isbeddelka siyaasadda Puntland waxa uu ka qabtey. Laga soo bilaabo sanadkii 1998 Puntland waxay lahayd nidaam u gaar ah oo lagu soo xulo Baarlamaanka, kaas oo aan lahayn buuq iyo dhibaato una qaabeysan nidaamka kaltanka, marna lagu qancin nidaamkaas, wax lagu beddeshona sahan looma gelin, waxaana dadka qaarkiis doonayaan waxa loogu yeero ‘hal qof hal cod’, ama Dimoqraaddiyad aan la qeexin qaabka ay u ekaaneyso maadaama kuwa dimoqraadiyadda qaatey ama samaystey qaabka ay ugu dhaqmaan aysan suurta gal ka ahayn Soomaaliya oo ah dad u qaybsan qabaa’il oo ah muxaafidiin sunni Muslim ah. In la hirgeliyo nidaam dadweynuhu doorashada ka qayb-qaataan waxay u baahan tahay in loo sameeyo saldhigyo ay ka duusho, waxaana ka mid ah:
  • Diiwaan gelinta codbixiyaasha iyo sameynta kaararka aqoonsiga
  • Dastuur afti dadweyne lagu ansixiyey
  • Dhismaha Maxkamadda dastuuriga ah ee loola noqdo dhamaan khilaafaadka
  • Dhaqaale ku filan oo lagu geli karo doorasho dadweynuhu ka qayb-qaataan.
Madaxweynaha Puntland  Dr. Cabdiweli Cali Gaas waxa uu si lamid ah kuwii ka horeeyey ballan qaadey in nidaamka lagu soo doorto Xildhibaanada uu beddalaayo, waxaana uu ballan qaadey sanadka u horeeya 2014, sida uu u ballan qaadey in Laas-caanood uu deg-deg ugu soo celinaayo gacanta Puntland, “faataxo laguma qaadan faatoxna laguma soo celin karo”. Maamulka Dr. Cabdiweli waxay si ka daran kuwii ka horeeyey ugu fashilmeen ballan qaadkoodi  ahaa in isbeddel siyaasadeed ay dalka ka hirgelinayaan, sida marar hore aan qoraalo ku sheegney, Cabdiweli Cali Gaas waxa uu isku xirey guusha maamulkiisa iyo fashilkiisa hadba sida uu u hirgeliyo nidaamka Xisbiyada badan. In badan oo kamid ah shacabka Puntland waxay aaminsan yihiin in Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole uu 60% uga daacadsanaa  hirgelinta nidaamka Xisbiyada, marka la eego qaabka uu wax u maamuley Cabdiweli Cali Gaas. Tusaale: Madaxweynaha Puntland waxa uu guddiga doorashada ku dhawaaqey 26 bilood kadib xilligii la doortey 8 Jan 2014, Madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Faroole waxa uu ku dhawaaqey guddiga doorashada 30 bilood kadib xiligii la doortey 8 Jan 2009, Guddiga doorashooyinka ee Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas ayaa jeexday dhabbaha ay doonayaan in nidaamka dimoqraadiyadda loogu gudbo, waxaana ay ku dhawaaqeen furashada Xisbiyada siyaasadeed 39 bilood kadib doorashadii Cabdiweli Gaas, ama 13 bilood kadib markii Madaxweynuhu ku dhawaaqey in ay yihiin guddi. Maamulkii hore ee Dr. Faroole waxay guddiga doorashada ku qaadatey in ay ku dhawaaqaan nidaamka furashada xisbiyada 43 bilood kadib doorashadii Faroole, ama 13 bilood kadib xiligii Faroole ku dhawaaqey in ay yihiin guddi. Marka la eego taariikhda waxaa muuqata in labada dhinac aad isugu dhaw yihiin, inkasta oo ay ku kala duwanaayeen, maamulkii Faroole oo la aaminsan yahay in lagu doortey 4 sano, xilliga uu ku dhawaaqeyna ay ahayd mid la dhihi karo dan gaar ah ayaa laga lahaa, inkasta oo  ay daacad ka ahayd in wuxuun u eg doorasho qabto, isagu haba ku shubtee uu isku dayey in uu hirgeliyo waxaana Beesha Caalamka uga baxdey $5 milyan oo dollar sida uu Goojacade.com  u sheegay sarkaal u shaqeynaayey hay’adda Inter Peace.

Fursadaha Cabdiweli haystey

Sanadkii 2014 waxaa Madaxweynaha Puntland la kulmey hay’adaha daneeya arrimaha dimoqraadiyadda Soomaaliya, waxay u sheegeen in uu haysto fursad weyn oo uu Soomaaliya cashar ugu dhigi karo, dhaqaalena ay ku siinayaan oo ah hirgelinta nidaamka xisbiyada, taas oo tijaabo u noqon karta Soomaaliya, waxayse ka dalbadeen in sida ugu dhakhsiyaha badan u dhiso guddiga doorashooyinka, Madaxweynaha Puntland ayaa ergooyinkaas u sheegay in isagu uu doonaayo in uu noqdo hal xili Madaxweynaheedi oo aanu dooneyn in dib loo doorto, taas oo farxad gelisey ergooyinkii la shirey, waxaana ay sheegeen in isagu haddaba noqon karo qof daacad ka noqon kara oo u dhaxa xisbiyada tartami doona. Madaxweynaha Puntland waxa uu ku fashilmey in uu guddigaas hirgeliyo ma jirin sabab hortaagneyd inuu fuliyo xiligii loogu talo galay balse uu xili danbe ku dhawaaqey Feb 2016 guddiga doorashada. Taasi waxay keentey in dib loo celiyo dhamaan dhaqaalihii la doonaayey in doorashooyinkaas lagu bixiyo, sida uu u sheegay Horseed xubin ka tirsaneyd Inter Peace, waxaana Madaxweynahana lagu shaabadeeyey qof aan ku adkeysan hadalkiisa iyo ballan qaadkiisa. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland waxa uu 20 May 2017 si cad u sheegay in aysan suurta gal ahayn in doorasho Puntland ka dhacdo 2019 taas oo ah mid shacabku ka qayb-qaato, iyada oo xukuumadiisu ku dhawaaqdey furashada Xisbiyada, oo weli albaabadu u furan yihiin, Cabdixakiin Camey waxuu uu sabab uga dhigay laba qodob, tan u horeysa oo ah dhaqaale. Camey ma sheegin sababta caalamku u siin waayey dhaqaale ay Puntland doorashada ku gasho, waana midda kor ku xusan oo ah wakhtigii dhaqaalaha lagu bixin lahaa ayaa si ula kac ah loo dhaafiyey, Dhaqaalaha Beesha Caalamku waxay ku baxdaa nidaam iyo xili, waxaana lawada og yahay in dhaqaale badan dib loo celiyo marka la isticmaali waayo Sanadkii ama xiligii loo jaan-gooyey (Project deadline), qodobka labaad ee Cabdixakiin Camey xujada ka dhigey ayaa ahayd Galgala oo kale doorasho kama dhici karto, magaalada Galgala waxay noqotey xero ciidan muddo dheer, waxaana in badan oo kamid ah dadkii deganaa ay degan yihiin magaalada Ceel Daahir (ex Ceel Doofaar), waxa ku sugan Galgala waa  ciidanka Puntland waana tusaale aad loogu qoslo, taas waxaa uga fiicneyd in uu dhaho Buuhoodle kama dhici karto ama Laas caanood ama guud ahaan gobolka Sool, waana haddal aan marinkiisi helin.

Maxay tahay sababta dadku Xisbiyada u furan waayeen?

Guddiga kumeel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland waxay subax kasta u shaqo tagaan xafiiskooda, waxaa miiska u saaran warqadaha furashada Xisabiyada, dad aan badneyn ayaa ka qaatey waraaqaha, ma jirto hal codsi oo dib ugu soo laabtey sida uu Horseed u sheegay xubin ka tirsan guddiga horraantii bishan May 2017, haddaba maxay tahay sababtu? Dadka miyaa siyaasadda ka daaley?, ma nidaamka Xisbiyada ayeysan rabin?, mise waxa u muuqatey in Madaxweynaha Puntland marmarsiinyo ka lee yahay nidaamkan aan  dhaqaalena loo hayn wakhtigiisina imaan?.  Dadku waxay u qaybsan yihiin laba qaybood. Kuwo kamid ahaa taageerayaashii Xisbiyadii 2012-2013 oo aaminsan in markooda ay carqaladeeyaan kalana tuuraan waxkasta oo nidaamkaas ku dhisan. Qaybta labaad kuwaas waa ka duwan yihiin waxa u muuqda in Xukuumaddu aysan daacad ka ahayn arrinta, marka la eego xiliga lagu soo beegay, in aan lahayn dhaqaalihii lagu geli lahaa doorasho oo ah mid dib loo celiyey, sidoo kale waxaa shaki weyn laga qabaa in Puntland marna aysan isku deyin dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah oo saldhig u ah nidaamka Xisbiyada badan maadaama ay tahay marjaca kala saaraya khilaafaadka yimaada, taas waxa dheer gobolada ku qoran dastuurka Puntland ee ka maqan gacanta maamulka kuwaas oo qayb libaax ku leh saami qaybsiga Puntland, sida ay xaaladoodu noqoneyso, iyo xaaladda Amniga ee dalku kujiro. Taas waxa dheer Soomaalidu waxay tiraahdaa “Carab lo’aad caws looma tilmaamo”, Xukuumadda iyo siyaasiyiinta hadda maamula Puntland iyagu ma hawlgab ayey siyaasadda ka noqdeen, mise waa da’fureen, maxaa loo arki waayey iyaga oo qaadanaya araaji’da furashada Xisbiyada, Haa wax bey ogyihiin!. Madaxweynaha Puntland waxa uu haystaa fursad uu ku sameeyo cudurdaar (Excuse),  taas oo uga baxsanayo ballan qaadyadii uu ku xabeebsadey,  waxaana uu taas beddelkeed isku dayayaa in uu furo albaab aanu ogeyn waxa ka imaan kara, taas oo ah in  Xildhibaano cusub Baarlamaanka Puntland lagu soo daro oo  isagu qaybiyo. Haddaba waxaan dhihi karnaa fashilka ka yimid hirgelinta nidaamka Xisbiyada ee Puntland ayaa Madaxweynaha Puntland ku xanbaartey  in uu furo albaab xirnaa 19 sano, sida uu horey u ballan qaadey nidaamka Xibiyada badan waxa uu keeni lahaa in Beelaha aan kuraasta ku lahayn Baarlamaanka ay Xildhibaano ku helaan sidaas maadaama ay tirona lee yhiin degmooyina ku lee yihiin deegaanada Puntland, taas oo dib u sixi karta haddii khalad laga galay qaybisgii hore ee 1998. Waxaan qaybta labaad ee qormadan ku soo qaadanaynaa: Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Puntland ma gobolo  ayaa lagu qabsadey mise qabiil? Madaxweynaha (Gaas) qudhiisu taas muxuu ka aaminsan yahay? Maxaa ka imaan kara haddii Madaxweynuhu baarlamaanku ku cadaadiyo in ay tirtiraan qodobo kamid ahaa dastuurka Puntland oo lagu ansixiyey cod xanbaarayaal gaaraya 500 ergay, iyo weliba axdigii lagu dhisey Puntland? Ma noqon doontaa mid Cabdiweli Cali Gaas ku eg mise Madaxweyne kastaa xildhbaano isagu wato ayuu baarlamaanka ku darsan? iyo qodobo kale oo xiiso leh. La soco qaybta danbe iyo  01 Juun 2017.
Goojacade.com Ggarowe-Puntland Soomaaliya Email:Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here