Madaxweynaha Puntland oo si weyn loogu soo dhoweeyey Addis Ababa

0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay 16-Feb-2016 siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Addis ababa ee Caasimadda Waddanka Itoobiya, iyadoo ay garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa kusoo dhoweeyey xubno ka socoda golaha Wasiirada Dawladda Itoobiya oo ay ka mid yihiin Wasiirada Arrimaha Dibadda Dr. Tedros Adhanom, Wasiiru Dawlahaha Madaxa Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taye Atske, Wasiirka Arrimaha Bulshada, Wasiirka Ganacsiga, Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya Ambassador Wondimu Asamnen iyo Masuuliyiin kale. Gaas wuxuu kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Tedros Adhanom oo ay weheliyaan , Wasiiru Dawlahaha Madaxa Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taye Atske iyo Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya Wondimu Asamnen, iyagoo ka wada hadlay Xaaladda Guud ee Soomaaliya iyo gaar ahaan xaaladda Puntland iyagoo kulankooda intiisa badan diiradda ku saaray horumarka baaxadda leh ee ka socda Puntland iyo sidii laysaga kaashan lahaaa la dagaallanka Alshabaab. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kala hadlay Madaxdii uu la kulmay sidii Itoobiya ay maalgashi uga samaysan lahayd Puntland si dhaqaalaha Puntland ee kobcaya uu dad-dar usii yeelan lahaa isla markaana ay uga faa’iideysan lahaayeen kumannaanka dhallinyarada ah ee sannad walba kasoo qalin jebinaya Jaamacadaha. Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa maalmaha soo socda waxa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Dawladda Itoobiya oo uu kamid yahay Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, golihiisa xukuumadda, xubnaha beesha Caalamka iyo midowga Afrika ee ku sugan Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here