Madaxweynaha Puntland oo u dhoofay maanta Muqdisho[Qorshaha rasmiga ah ee Safarka]

0

  Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa safar aan horey loo sii shaacin uga dhoofay magaalada Garowe xilli wararku ay sheegayaan inuu kusii jeedo magaalada Muqdisho . Socdaalka Madaxweyne Gaas ayaa kusoo beegmaya xilli maalmo yar ka harsan yihiin doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, Sidoo kalena uu shalay Garowe kulan aan la shaacin kula qaatay saraakiil ka tirsan Dowlada Itoobiya oo socdaal dhulka ah ku yimid Garowe. Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa wararku sheegayaan socdaalkiisa inay ku wehliyaan ilaa 50 qof oo ka mid noqonaya wafti Dowlada Puntland uga qeyb gali doona Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inay qabsoonto 8 bishaan. Dhinaca kale waxaa horey Muqdisho ugu sugnaa masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowlada Puntland sida Wasiirka arrimaha Gudaha Puntland Axmed Karaash, Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad,Xildhibaan Kayse Cawil Cali Boobe iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland kuwaas oo wararku sheegayaan inay ka mid yihiin xubno kala duwan oo ka kala tirsan guddiyada ololaha doorashooyinka ee musharaxiinta ku hardamaysa Muqdisho oo ay Ka Mid Yihiin Raysal wasaare Cumar Xalwadeyste.Cadow Cali Gees. Warbaahinta Goojacade.com Ayaa  4/2/2017   Daabacday warbixin Ku saabsan Safarka Madaxweynaha Puntland ee Muqdisho iyo qorshihiisa ku dhufo linkigan:- http://goojacade.com/2017/02/04/xogmadaxweyne-gaas-oo-ku-waajahan-magaalada-muqdisho/ Goojacade.com Muqdisho-somaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here