MADAXWEYNAHA SOMAALIYA OO KULAN LA QAATAY SAFIIRADA WADAMADA CARABTA KALANA HADALAY ABAARAHA DALKA KA JIRA

0

Muqdisho(Goojacade.com)Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa maanta Safiirada Wadamada Jaamacadda ee Somaliya kala hadlay abaaraha baahsan ee ka jira qaybo ka mid ah Gobolada Wadanka. qqq   Kulanka, ayaa waxaa ka soo qaybgalay Guddiga Qaranka ee abaaraha iyo Xafiiska Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), waxaana si dhow looga hadlay abaaraha baahsan ee dalka ka taagan.
Madaxweynaha Somaliya, ayaa Safiirada Jaamacadda Carabta ugu baaqay in Somaliya ka caawiyan xaaladda adag ee ka dhalatay abaarahan. Madaxweynaha oo ka hadlaayay kulankan, ayaa markale dadka Somaliyeed u diray farriin ah in kuwooda wax haysta ay u gurmadaan dadkooda dhibaateysan. Gudoomiyaha Guddiga Qaranka ee abaaraha, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, ayaa sheegay in dhibaatada maanta ka jirta Somaliya looga bixi karo, iyadoo leeska kaashaday. Diblomaasiyiintii Carbeed ee ka qaybgashay kulankan, ayaa sheegay in farrintan ay kaga timid dadka Somaliyeed, isla-markaana ay ka jawaabi doonaan. qqq
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here