Madaxweynaha Somalia oo Bosaso laga sugayo

0

Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta la qorshayanayaa inay tagaan magalada Bosaso xarunta gobolka Bari, waxaana garoonka diyaaradaha ku sugan mas’uuliyiin heer Federal iyo maamul. Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka qayb galaya furitaanka madaarka diyaaradaha Bosaso kaasoo barri 08 January, xarigga laga jari doono. Wufuud kala duwan oo isugu jirta Somalia iyo ajaanib ayaa kusugan magalada Bosaso, waxayna ka qayb gali doonaan xafladda garoonkii ugu horeeyay caalami ah oo Somalia yeelato. Mas’uuliyiin katirsan dowladda Puntland ayaa lafilayaa inay ka yimaadaan; DJabuuti, Hargaysa, Muqdishi, Adis Ababa, Nairobi, Dubai, Thailand ,Turki China, Imaaraadka, Ethiopia, Masar iyo Kenya. Ammaanka magalada ayaa la adkeeyay, waxaana xarunta gobolka Bari laga dareemayaa xaddiga dadka yimi iyadoo buux dhaafeen hotellada. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here