Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay sababta loogu bixiyey Naaneysta uu ku caan baxay ee (Farmaajo)

0

  “Xaaskeyga Seynab Macallin waxan isku barannay Muqdisho, isku xaafad ayaan ahayn oo gurigooda iyo gurigeena ayaa isku dhowaa. Mar kale ayaan Mareykanka ku kulannay aniga oo ka shaqeeya safaaradda Soomaaliya ee Washinton iyaduna ay xagga u soo qaxday. 1992 ayaan is guursannay, waxaa inoo jooga 4 carruur ah laba wiil iyo laba gabar. Sababta loogu bixiyey naaneysta uu ku caaan baxay ee Farmaajo ayaa la weydiiyey madaxweynaha Somalia wuxuuna ku jawaabay: “Marka hore aabahay ayaa la oran jiray Farmaajo, waa eray Talyaani ah oo waxaa laga wadaa “Bur-cad”. Naaneystaan waxay ka timid sheeko qosol leh; oo ahayd ciidankii talyaaniga ee kontomeeyadii ka talinayay waddanka ayaa soo xiray koox dhallinyara gumeysi-diid ah oo aabahey uu ku jiray, cuntada maxaabiista la siinayay ayaa waxaa kamid ahaa Farmaajada oo Soomaalida intooda badan ku cusbeyd xilligaas, Aabaheey saaxiibadiis waa diideen in ay cunaan, balse isagu horay ayuu u yaqaannay oo wuu cuni jiray wuuna jeclaa waliba, dhallinyarada la xirnaa oo 11 ahaa ayaa isugu soo dari jiray maalin walba qoondadooda, markaas ayuu kaligii cuni jiray, kadib ayey u bixiyeen Farmaajo, maalintaas laga soo billaabo qoyska waxa uu watay naaneystaas anigana sidaas ayey iigu baxday” ayuu yiri Madaxweynaha. Xafiiska Shabakada Goojacade.com Muqdisho Somalia Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here