Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta Muqdisho kulan kula yeeshay M/ku xigeenka Puntland Eng Camey

0

Muqdisho- Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Kulanka Madaxweyne kuxigeenka Puntland iyo Madaxweynaha DFS ay yeesheen ayaa waxa uu daarana arrimo la xiriira abaarta ka jira guud ahaan Soomaaliya Gaar ahaan Puntland iyo sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camay oo u hambalyeeyey guushii uu dhowaan ka gaarey tartankii Madaxweyne nimo ee Hogaaminta Soomaaliya. Madaxweyne ku xigeenka  Puntland Eng. Camey ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo abaarta baaxada leh ee ka jirta dhammaan gobolada Puntland, iyo saamaynta ay ku yeelatay dadka reer guuraaga ah ee ku dhaqan degaanada Puntland. Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Dawladda ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya inay jiraan xoolo dhaqato Soomaaliyeed oo ku soo hayaamay qaarkamida Gobolada Puntland kuwaas oo ka kala yimi Waqooyiga, Galbeedka, iyo Koonfurta Soomaaliya. Gebagabadiina Eng Camey waxa uu madaxweyne Farmaajo uga hambalyeeyey guushii uu ka gaadhay 08/02/2017 tartankii doorashada Madaxweynaha Soomaaliya iyo magacaabistii raysalwasaare Khayre.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here