Madaxweynaha Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhoweeyay Khartoum

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii danbe ee maanta gaaray magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, kadib casuumaad uu ka helay Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir. Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa garoonka caalamiga ah ee Khartoum ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Albashiir, wasiiro iyo saraakiil sare iyo safaaradda Soomaalida ee Suudaan. Socdaalka Xasan Sheekh ayaa ku saabsan xiriirka labada dal iyo taageero dowladda Suudaan siineyso Soomaaliya iyadoo ka mida dalalka Jaamacadda Carabta ee bixiya qaaraan lagu kabo miisaaniyadda dowladda Soomaaliya.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here