Madaxweyne Farmaajo oo doorashadiisii 1 saac kadib ay xalishay labo arimood oo Soomaaliya masiibo ku ahaa.

0

MUQDISHO- Sida lawada ogsoon yahay baahiyaha soomaaliya u yaal oo tiro badan waxaa maanta ugu mudnaa oo kaalinta kowaad ka ahaa 3 arimood kuwaas oo kala ah:- 1. Qoqobka iyo isu-socod la’aanta Bulshada Soomaaliyeed oo arimaha qabiilku sameeyeen. 2. Abaarta ba’an ee maanta Soomaaliya ka jirta. 3. Sicir bararka aafeeye Bulshada Soomaaliyeed siiba dadka danyarta ah. Hadaba doorashadii madaxweynaha loo doortay Maxamed C/laahi Farmaajo waxay 1 saac kadib doorashadiisii xalishay labo qodob oo kala ah:- 1. Qoqobka iyo isu socod la’aantii ka jirtay meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah weliba meelihii baryahan danbe oo colaaduhu ka jireen sida Magaalada Gaalkacayo oo gebi ahaanba la isu furay lana qaaday isbaarooyinkii, Gaadiidkii iyo dadkiina isu gudbeen. 2. Sicir bararkii ka jirey gebi ahaanba degaamada Soomaaliya ha usii daraado Maamulka Puntland dadka danyarta ahna faro ba’an ku hayey oo hoos u dhacay shilinkii Soomaaliga ahaana qiimihiisii soo noqday. waxay umadda Soomaaliyeed ka rajaynaysaa Madaxweynaha cusub in uu noqdo mid ay mahadiyaan oo baahiyahooda oo dhan daboola.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here