Madaxweyne Farmaajo waa inuu Xasuuqii Kalshaalle raaligelin ka bixiyaa

0
xasuuqi kalshaale

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaai Farmaajo ayaa maanta raaligelin ka bixiyey dhibaataddii Dawladdii Kacaanka ka soo gaartay degaamadda Burco iyo hargeysa.

Talaabadaasi waa mid soo dhoweyn mudan, balse Madaxweyne Farmaajo wuxuu ilaaway inuu raalligelin ka bixiyo Xasuuqii Ciidamada Somaliland ay xoolo-dhaqata ugu geysteen degaanka Kalshaale iyo dhibihii kale ee Somaliland ka geysatay Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn sanooyinkii faraha badnaa ee ay maamulaysay sida;

Dilalkii ulakaca ahaa ama dadbanaa ee ciidamada Somaliland oo weliba saraakiisha dunuubtaa geysan jirtay lagu dalacsiin jiray, oo ay ka mid yihiin 4 qof ee taliyaha ciidanku Nuux Taani uu sheegay in Korneyl Caarre dilay oo lagu dalacsiiyey, kuwii inta la dilay xukuumadda Somaliland sheegtay in iyadda loo Aaso.

Caruurtii iyo dumarkii iyagoo banaanbaxa boobeyaasha culus iyo tiknikadda lagu cabudhin jiray rabitaankooda, taasoo sababi jirtay dhimaso iyo dhaawac.

Waxgaradkii iyo qoorweyntii magaalooyinka dhexdooda lagu dili jiray oo weli aanay Somaliland meel ku cadeynin, kuwaas oo u baahan cusub iyo cadaalad.

Madaxweyne Farmaajo markuu raaligelinta siinayey Beelaha Burco iyo hargeysa wuxuu ka hadlayey cadaalada iyo Garsoorka oo uu farayey in la adkeeyo, balse wuxuu meel uga dhacay oo aanu soo hadal qaadin, cadaalad darona ku sameeyey Boqolaal xoolo-dhaqato oo ciidamada Somaliland wax dhintay iyo wax dhaawaca ka dhigeen degaanka Kalshaalle.

Madaxweyne Farmaajo raaligelintiisu si cadaalad ah uma dhicin, sidaas darteed waxaa ku waajibay inuu shacabka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn raalligelin ka siiyo xasuuqii iyo dhibtii magaca Somaliland lagu gaarsiiyey, maadaama uu raalligelin ka bixiyey dhibaatooyinkii Kacaankii geystay.

Dadka Sool, Sanaag iyo Cayn dhibaatada ugu weyn waxay ku soo gaartaa midnimadda Soomaaliyeed oo aan maamulada dhinacyadu jeclayn, waana ku khasaareen midnimo jaceylkoodii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here