Madaxweyne Gaas oo booqday isbitaalka GMC ee magaalada Gaalkacyo (Sawiro)

0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa daahfuray Sanad jaamacadeedka 2015/2016 ee Global Science University ee magaalada Gaalkacyo . Ka hor inta uusan madaxweynuhu daahfurin xafladda ayuu kormeeray qeybaha uu ka koobanyahay cisbitaalka GMC ee magaalada Gaalkacyo, waxaana halkaasi uu warbixin kaga dhagaystay maamulka cisbitaalkaasi , isagoona dhammaan booqday bukaanada kujira cisbitaalka GMC. Xafladda Daahfurka Sanad jaamacaeedka Jaamacadda Global Science University waxaa sidoo kale goob joog ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Siciid Xassan Shire, Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobalka Mudug, maamulka degmada Gaalkacyo ,Waxgarad, Aqoonyahan , Ardey iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyey madasha ayaa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay ka qeyb-galka munaasibadda, waxaana uu ardeyda u rajeeyey mustaqbal wanaagsan oo ifaya. “Dalka markii ay dadkiisu waxbartaan ayuu gaaraa horumar, marka waa in aynu ku dadaalno waxbarista dadkeena , qof keli ahna ma qaadi karo mas’uuliyadaas ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas . ’ Jaamacadaheena dalka inaynu tayeynu ayaa laynaga rabaa , oo qofka ka soo baxaya uu noqdo qof leh shahaadada uu wato aqoonteeda , macanaheeduna waxa weeye qofka soo galayana jaamacadda in uu noqdo qof la hubo waxbarashadiisa ‘’ Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Gaas ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here