Madaxweyne Gaas oo Ogaaday Awooda Rasmiga Ah Ee Kooxdisu Aqalka Golaha Wakiilada Puntland Ku Leedahay[Video]

0

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi la socda ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe, kadib socdaal muddo qaatay oo ku marayay qaybo kamid ah dalalka Midowga Yurub.

Isagoo saxaafadda kula hadlayay xarunta Madaxtooyada, wuxuu ka hadlay dagaalka kasoo cusboonaaday gobolka Mudug, Qaraxii ka dhacay Bosaso, Bilashada Ramadaan, shirkii London iyo kulamadii uu Yurub kula soo qaatay Qurba joogta reer Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa wax laga weydiiyay doodii ka dhalatay in la kordhiyo golaha wakiillada Puntland, kadib markii uu waraaq u gudbiyay Guddoonka Barlamanka, wuxuuna sheegay in arrintaas uu isagu dalbaday islamarkaana aysan ahayn mid sir ah, balse uu ku raadinayo Cadaalad iyo in beelaha ka maqan Barlamanka lagusoo daro.

“Walaal anigu awood aan ku kordhiyo Barlamanka ma lihi, anigu codsi ayaan u diray Guddoonka Barlamanka sirna ma aha, waxaana ka codsaday in qodob kamid ah Dastuurka la furo, dadka caddaalad darrada tirsanaya ee ka maqan Barlamanka inay caddaalad helaan, awoodaasna kuma koobna aniga ee Barlamanka ayaa iska leh,” Sidaas waxaa yiri Madaxweyne Gaas oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay dooda ku saabsan kordhinta Xildhibaanada.

Shirkii London ayuu sheegay inuu ahaa tallaabo wanaagsan oo lagu raadinayay in lasoo celiyo sumcaddii Somalia islamarkaana sidoo kale lagusoo hadal qaaday arrimaha dhaqaalaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Madaxweynaha Puntland, ayaa dhanka kale ka hadlay dagaalka kasoo cusboonaaday gobolka Mudug ee u dhaxeeyay xoolo dhaqato, wuxuuna sheegay inay ALLE ka cabsadaan oo joojiyaan dhiigga ku daadanaya gobolka.

Gaas, ayaa sidoo kale ka hadlay weerarkii lagu qaaday Bar-kantarool oo ciidamada Puntland u taallay magaalada Bosaso, wuxuuna Madaxweynuhu u tacsiyeeyay dadkii ku waxyeelloobay isagoo xusay inaysan marnaba joojin doonin dagaalka ay kula jiraan Xag-jiriinta.

Ugu dambayn, wuxuu dadka reer Puntland ugu hambalyeeyay bisha Barakaysan ee Ramadaan isagoo tilmaamay inuu ku faraxsanyahay inuu soo laabto waddankoo roobsaday islamarkaana amni ah.

Dhaawan Ayey Aheyd Markii Madaxweyne Ku XIgeenka Puntland wareysi  Uu Siiyey uu kaga  Xaaqiqo Sheegay  Qorshaha Dhaqaale Xumo Ee Maamulka Madaxweyne Gaas,Faashilka Xukumada Madaxweyne Gaas ee Ahaa Barnaamijki Dimuqradiyeynta  Iyo Arrimaha Goboladi Maqan ee ay ka mid tahay Magaalada Laascaanod.

Daawo Videoga Madaxweyne  Ku xigeenka Puntland:-

https://www.youtube.com/watch?v=aaf43kLSxes Daawo Hadalka  Madaxweyne Gaas ee Kaga Aadan  kordhinti barlamaanka Iyo Barnaamijka  Dimuqraadiyadeynta:- https://youtu.be/NwDy7e8uMxw   Goojacade.com Garowe-Soomaaliya Email:-Gooajcadewebsite@gmail.com    ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here