Madaxweyne Gaas oo U Ambabaxay Muqdisho

0

Maxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti  uu hogaaminayo  ayaa maanta  ambabaxay magaalada Muqdisho , halkaasi oo ay kaga qaybgalayaan shir ay isugu imaan doonaan Madaxda Soomaalida iyo beesha Caalamka

Madaxwaynaha  oo ay sii sagootiyeen madaxwayne kuxigeenka dawladda  Puntland Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar  Camay  Xubno ka tirsan labada golle ee dowladda, saraakiiisha ciidamada iyo kuwa  madaxtooyada,  wuxuu sheegay in magaaladda uu sidoo kale kaga  qaybgelidoonaa shirka amniga qaranka,oo ay kasoo qayb geli doonaan madaxda dawladda xubanaha ah Dawladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo warbaahinta  uga warbixinayay safarkiisa Muqdisho  waxaaa uu yiri

waxaan kusocdaa Muqdisho oo aan kaga qaybgalayo shir ay isugu imanayaan beesha caalamka iyo madaxda soomaalida, iyo sidoo kale shirkii amniga qaranka oo arimaha ugu muhiimsan oo looga hadlayo ay noqon doonto nabdgelyada dalka, xasilinta iyo geedi socodka dawladnimadda soomaaliya, shirkaas oo labada maalmood ah, kabacdinawaxaa dhici doona shirkii beesha caalamka iyo madaxda soomaalida oo dhammaandoona bisha 5teeda ah, kabacdina inshaa allaahu waxaan rajaynayaa in aan si nabad gelya ah usoo laabano, waxaan idinkula dardaarmayaa  in laga shaqeeyo lana taageero nabadgelyada iyo horumar, guul baan diin rajaynayaa

Madaxweynuhu ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay ka dib muddo toddobaad ka badan oo uu ku  maqnaa Caasimadda ethiopia ee Adis-ababa. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xukuumadda ethiopia uu kala soo hadlay arrimo la xiriira iskaashiga amniga ee labada dhinac iyo  ganacsiga.

  Goojacade News Garowe-Puntland Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here