Madaxweyne Mustafe waa halyey u dhigma Sayid Maxamed shacabka SSC-na ma hilmaami doonaan

0
Haddii aan halgankii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan hogaaminayey imaanin, maanta dad badan oo Muuse, Maxamed iyo Cabdi Weli la yiraahdo ayaa loogu yeeri lahaa John, James Micheal iwm, mahadaas waxaa iska leh Ilaahay oo qadaray geesiyadii Daraawiisheed ee u dhintay Diinta iyo Xornimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar mudadii yarayd ee uu Xilka hayey wuxuu shacabkii Soomaaliyeed u soo celiyey karaamadoodii, xoriyadoodii iyo Soomaalinimadoodii, inkastoo ay jiraan kuwo weli u ilmaynaya cadaadiskii, dulmigii iyo karaamo daradii loo geysanayey shacabka Soomaaliyeed ee Kilinka 5 aad ku dhaqan.

Madaxweyne Mustafe wuxuu gurmad iyo dhiig joojin lama ilaawaan ah u fidiyey Beelihii Walaalaha ahaa ee colaadu ku dhexmartay degaanka Dhumay ee Koonfurta Gobolka Sool, isagoo ugu dambeyntiina Gogol nabadeed oo uu ku heshiisiiyey u dhigay Magaaladda Jigjiga, halka Madaxweynaha Puntland oo degaamadaas afka ka sheegtaana uu ku malaakhadeynayey Puntland baa Dawladda Federaalka dhashay, iyadoo aan lahayn meel ay ku foolatay, balse la odhan karo wuxuu ka xun yahay Madaxweyne Farmaajo oo umadda Soomaaliyeed dooratay.

muuse iyo gaas
Muuse Biixi iyo Cabdi Weli Gaas

Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Muuse Biixi oo maamulka degaanka Dhumay gacanta ku hayey uu bil walba 29 keeda mushaharka u dirayey ciidamadii labada dhinac ee dagaalamayey, subaxii weerarku dhici doonayna ciidamdiisii saacado ka hor u baneeyeen Dhumay, ilaa maantana aanay jirin cid uu foolxumadaas dusha ka saaray.

Shacabka Goboladda Sool, Sanaag, Cayn iyo Kilinka 5aad ma ilaawi doonaan Gurmadkii uu u fidiyey Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar, markii ay u baahnaayeen, waana mid ay uga abaal gudi doonaan markay la soo gudboonaato, wuxuuna ugu suntanaan doonaa halyey u dhigma hogaamiyihii, halgamaagii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.  

CHIEF CAAQIL KHAALID M MUUSE DHIIL

UK

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here