Madaxweyne Sheekh Shariif oo Garaad Saleebaan ku booqday Zayed Military Hospital

0

Madaxweynihii hore ee Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Xasan ayaa maanta Garaadka Guud ee Sool iyo Sanaag Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ku booqday cusbitalka weyn ee Zayed Military Hospital oo uu garaadku daaweyn caafimaad ugu jiro. Madaxweyne Shariif ayaa Garaadka ku booqday qaybta VIP ee Garaadku ku jiro, waxayna u kuur galeen xaalada caafimaad ee Garaadka oo soo roonaanaysa. Madaxweynaha iyo dadkii la socday ayaa in mudo ah garaadka qolkiisa kula sheekaysanayey, iyagoo aakhirkiina u duceeyey. madaxweyne-sheekh-shariif-garaad-saleebaan Caafimaadka Garaadka ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey aad u soo fiicnaanayey. Intii uu Garaadku Cusbitaalka ku jiray waxaa ku booqday masuuliyiin ka tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Raiialwasaaraha Somaliya Cumar Cabdirashiid iyo Masuuliyiin ka tirsan Imaaraadka. cumar-iyo-garaad-saleeban garaad-saleeban-axmed-yuusuf ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here