Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi oo Laascaanood ku wajahan

0

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa la filayaa in maalinta berito ah ay gaadhaan wefti balaadhan oo ay hogaaminayaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi. Socdaalkan ayaa ku saabsan u kuurgelida baaxada dhibaatada Abaarta degaamadaas ka jirta. Masuuliyiinta Somaliland ayaa beryahan socdaalo ku marayey Goboladda ay Abaaruhu sida weyn u waxyeeleeyeen, iyadoo horey uu socdaal ugu baxay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, kaas oo gaadhay degaamo ka tirsan Gobolka Togdheer, dibna u soo laabtay oo dhabarka u jeediyey degaamadii Barriga ee mudada dheer abaartu soo haysay, waxayna keentay inay aad uga xumaadaan dad badan oo taageersanaa Xisbiga Waddani. Booqashada Gudoomiye Muuse Biixi ee Gobolka Sool iyo Sanaag ayaa ah mid uu shacabka degaamadaas ku tusayo inuu hiil iyo hooba la garab taagan yahay waqtiga adag ee dhibta abaartu ku habsatay, waxayna noqon doonta socdaal uu ku helo taageerada dadka, hogaamintiisana ku muujiyo.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here