Madaxweyne Xasan oo balanqaaday mushaharka ciidanka ee bil walba

0

Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay sitoos ah u helaan Mushaaraadkooda oo uu san jirin Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya oo aanan helin Mushaarkiisa. Waxaa uu ka dhawajiyay in mar mar laga yaabo in ay soo daahaan lacagaha Ciidanka lasiiyo xiliyada qaarna uu sidaas dib u dhac ugu yimaado, balse aysan gabi ahaanba waxba ka jirin in Ciidanka aysan helin Xuquuqda ay ku leeyihiin dowkadda. Madaxweynaha Soomaaliya intaas waxaa uu ku daray in dowlado badan oo Soomaaliya taakuleyn jiray ay badaleen Fekerkooda, Dowladuna aysan laheyn meelo badan oo dhaqaalo kasoo galo taasna ay dhibaato kale ku tahay. Horey ayaa waxaa u dhacay in ay jireen in Ciidanka Soomaaliya aysan si toos ah u helin Mushaaraadkooda taas oo dhabar jab ku ah howlaha Shaqo ee Dowlada Soomaaliya u qabtaan. Madaxweynaha ayaa waxa uu hadalkani ka sheegay shir la’isugi yimid oo looga hadlayay amniga dalka Soomaaliya, gar ahaan kan caasimadda Muqdisho.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here