Madaxweyne Xasan oo booqday xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho

0

Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ee Soomaaliya ayaa munaasabadda ciida awgeed booqday goobo badan oo ay kamid yihiin Xabsiga dhexe ee Xamar, xeebta Liido iyo goobo kale. Booqashada Goobahani ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka, wuxuuna dabaaldagga Maalinta Ciidul Fitriga kala qeybqaatay boqolaal dadweyne ah oo ku damaashaadayay Xeebta Liido ee maagalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa la sheekeystay dadweynaha ku sugnaa Baararka laga cunteeyo ee ku teedsan Xeebta liido, isagoo ugu dambeyntii la hadlay dadwynaha ku damaashaadayay Xeebta Liido, ugana hambalyeeyay Dabaaldagga Maalinta Koowaad ee Ciidda. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dadweynaha ku sugnaa xeebta Liido ugu baaqay in la iscafiyo islamarkaana laga shaqeeyo horumarka iyo Midnimada Dalka Soomaaliya, sheegayna in dalka Soomaaliya uu kasoo kabanayo burburkii iyo Colaadihii Sokeeye maantana uu soo gaaray meel wanaagsan oo dadlalka caalamka ay ku dhiiranayaan in ay maalgashadaan taasina buuyiri waa guul u soo hoyotay ummadda Soomaaliyeed.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here