Madaxweyne Xasan oo dalka dib ugu soo laabtay (Sawiro)

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhowr maalmood ee u danbeeyay booqashooyin dalka dibadiisa ugu maqnaa ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho. Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaraddaha kusoo dhoweeyay Gudoomiyaha baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”, wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyin kale oo ka tirsan dowladda. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqashooyin ku tegay dalalka Uganda, Jabuuti iyo Sacuudiga oo uu ugu qeybgalay shirka madaxda Jaamacadda Carabta iyo dalalka Koonfurta Ameerika. Xasan Sheekh, ayaa shir madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Koonfuur America ee ka dhacay magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, ka jeediyay khudbad uu ugu hadlayay iskaashiga wadamada Carabta iyo Koonfurta Ameerika. Sidoo kale, Madaxweynaha iyo xubnaha la socday ayaa xalay ku soo cimreystay dhulka barakeysan ee Kacbada, wuxuuna madaxweynuhu Alle uga baryay ummadda Soomaaliyeed inuu ka dulqaado dhibta heysata. [gallery columns="4" td_gallery_title_input="Xasan GuryoNoqosho S" ids="4124,4125,4126,4123"] ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here