Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay Aas-aaskii Turkiga

0

Munaasabadaan oo lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee ku taala magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya, oo uu ugu horeeyo madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheakh Maxamuud, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte iyo xubno kale. Munaasabadda oo sidoo kale ay ka qeyb galayaan wakiilada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya, waxaa lagu xusayaa 93-sano guuradii kasoo wareegtay Aas aaskii Jamhuuriyadda Turkiga. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay Xaflada ayaa Hambalyo u diray Dowladda Turkiga iyo Shacabkeeda,waxaan uu ugu Hambalyeeyay 93 Sano guuradii ka soo wareegatay Markii Turkiga uu noqday Jamhuuriyad. Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dalalka sida joogtada ah u taageera dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo dalka ka hirgaliyey mashaariic kale duwan oo ay qeyb ka yihiin waxbarashada caafimaadka iyo dib u dhiska dalka. Turkiga ayaa sidoo kale Soomaaliya ka Furtay Safaarad Casri ah,waxaana Safaaradda Turkiga ee Muqdisho uu ka furtay ay tahay midii ugu weyneyd ee Adduunka uu ku leeyahay.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here