Madaxweyne Xasan oo shaaciyey Musharaxnimadiisa doorashada 2016

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ku jooga magaalada Washington DC ayaa waraysi khaas ah siiyey idaacadda VOA. Waraysiga waxaa la yeeshay madaxa Idaacadda VOA qaybteeda afka Soomaaliga Cabdiraxmaan Yabarow. Madaxweynaha ayaa waraysiga ku sheegay inuu mar kale yahay musharrax u taagan doorashada madaxweynenimo ee sannadkan ka dhacaysa Soomaaliya. Waraysiga ka horna waxa uu Madaxweynuhu khudbad ka jeediyay Machadka Nabadda ee Maraykanka ee xaruuntiisa tahay magaaladan Washington DC, Madaxweynaha ayaa khudbadiisa kaga hadlay arrimo ay ka midyihiin marxaladda ay Soomaaliya maanta marayso. Hoos ka dhagayso qayb kooban oo ka mid ah waraysiga Madaxweynaha iyo warbixinta ku saabsan khudbadda uu ka jeediyay machadka USIP, oo uu inoo diyaariyey Xuseen Barre. Waraysi & Warbixin ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here