Madaxweyne Xasan oo sheegay in loo baahanyahay hab doorasho oo shaqeeya sanadka 2016.

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey furitaanka xafladda shalay lagu daah-furayey Madasha Wadatashiga Qaranka ee looga arinsanayo doorashooyinka 2016 ayaa sheegay in madashan ay muhiim u tahay Soomaaliya. “Bishii July ee sannadkan, dowladda, maamullada dalka ka jira, iyo Baarlamanka Federaalka, waxay isku raaceen inay dejiyaan barnaamij wadatashi oo heer qaran ah, kaasoo uu ka soo bixi doono hannaanka doorasho ee 2016, lana kala dooran doono habab ama noocyo kala duwan oo doorasho oo wadatashiga ka soo bixi doona. Maanta waxaa farxad inoo ah inaan daah furno Madasha Wadatashiga Qaranka oo noqonaysa tallaabadii ugu horeysey ee barnaamijkan muhiimka ah.’’ Waxaa uu siyaasiyiinta, shacabka iyo ururrada bulshada xusuusiyey in horumarka siyaasadeed ee waddanka uu ku xiran yahay waxa ka soo baxa madashan. “Waxaa la inaga doonayaa inaan xaqiijino in marka la gaaro bisha August, 2016-ka aanu haysano hannaan doorasho oo shaqeynaya, kaas oo muhiim u ah in dalka uu ka dhaco in awoodda siyaasadeed si nabad ah, si sharci ah iyo si hufanba la isugu wareejiyo. Maanta waxaanu halkani ku wada ansixinay qorshe u horseedaya Soomaalida inay talo iyo go’aanba ku yeeshaan mustaqbalkooda’’, ayuu yiri Madaxweynaha. “Markii la i doortey saddex sanno ka hor, waxaan balanqaadey inaan awoodda siyaasadda ee dalka aan wareejin doono 2016-ka. Balanqaadkaasi weli waa taagan yahay. Ma jirto muddo kordhin loo sameynayo qeybaha fulinta iyo sharci dejinta ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Dastuurkeena ayaa sidaa dhigaya, inteena halkaan maanta isugu timid, iyo hoggaamiyeyaashiinaba waxaa ka go’an inay taasi ka dhabeeyaan’’.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here