Madaxweyne Xasan Sheekh oo u duulay dalka Turkiga

0

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa saaka u duulay dalka Turkiga, waxaana uu ka qeybgeli doonaa shir ku saabsan arrimaha Somalia, kaasoo sidoo kale ay ka qeybgeli doonaan dhamaan madaxda maamulada gobolada dalka ka jira. Shirkan ayaa lagu wadaa inuu beri ka furmo magaalada Stanbul, iyadoo horay ay u gaareen wafuud ka tirsan dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada. Dhanka kale, waxaa magaalada Istanbul ugu sii horeeyay madaxweynaha, wafdi Ra’iisul wasaaraha uu hoggaaminayay, kuwaasi oo ka qeybgeli doono shirka maalgashiga Somalia, kaasoo ay si wadajir ah u furi doonaan Ra’iisul wasaareyaasha Somalia iyo Turkiga.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here