Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug oo Gaalkacyo heshiis ku gaaray

0

Madaxda maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta ku kulmay magaalada Gaalkacyo, halkaas oo kulankooda ay goob joog ka ahaayeen madax isugu jirta soomaali iyo ajnabi, sida ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo haweeney ka socotay Midowga Afrika. Kulan albaabada u xirnaa ayaa isku arkeen labadan hoggaamiye, waxaa ay ku heshiiyeen qodobo dhowr ah, iyadoona lagu balamay in la xoojiyo heshiiskii nabadda ee lagu saxiixay isu tagga Imaaraadka Carabta. Qodobada lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah: – In xabadda la joojiyo lana magacaabo guddi isku dhaf ah. – In 20-ka bishan lagu kulmo magaalada Kismayo si colaadda loo joojiyo. – Iyo in si qoto-dheer looga wadahadlo waxyaabaha la isku hayo. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in colaadda ka dhacaysay magaalada Gaalakacyo tan iyo bishii Octoobar ay ku dhinteen 45 qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 130 qof, halka 90 kun oo kalena ay ku barakaceen. Labadan dhinac ayaa horay heshiisyo u gaaray, balse heshiisyadoodaasi ma noqon kuwo midho dhala. Kulanka maanta ayaa ujeedadiisu yahay sidii xal looga gaari lahaa colaadda soo noqnoqotay ee magaalada Gaalkacyo taas oo u dhexeysa labada maamul.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here