Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland oo ka baaqsaday Shirka Madaxda Madasha uga furmay Muqdisho

0

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ka baaqsaday Shirka Madaxda Madasha uga furmay Muqdisho. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan inay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ka baaqsadeen inay yimaadeen Muqdisho, si ay uga qeyb galaan Shirka Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka ee uu iclaamiyey Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Ambassador Michael Keating. Madaxweyne-ku-xigeenadda Puntland iyo Jubbaland ayaana wakiil ahaan uga qeyb galayo Shirka Madaxda Wada-tashiga Qaranka ee duhurnimadii maanta ka furmay Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia ee Muqdisho. Wejigii Koowaad ee Shirka Madaxda Madasha Qaranka oo la soo gebagebeeyey, waxayna Ergadda ku sugan yihiin Xafiiska Madaxweynaha oo casuumaad qado loogu sameeyey Madaxdaasi.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here