Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo qoyskiisa oo saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho[Daawo Sawirada]

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho. Xasan Shiikh iyo qoyskiisa ayaa ku sii jeeda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyagoo sii raacay dayuurada Turkish Airlines. Waxaa garoonka dayuuradaha Aadan cadde ku sii sagootiyey masuuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari iyo xubno kale. Xasan Shiikh oo looga guuleystay doorashadii madaxweynaha Somalia ee dhowaan dalka laga qabtay ayaa waxa uu horey u sheegay inuu muddo kooban oo nasiino ah ka maqnaan doono dalka, uuna ku sii jiri doono siyaasadda. Madaxweynihi hore ee Somalia Xasan Shiikh ayaa mudadii afarta sano aheyd ee uu xilka hayey lagu xusuustaa waxqabad dadka qaar ay amaaneen kuwo kalena dhaliileen. Xafiiska Shabakada Goojacade.com Muqdisho Somalia Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here