Magaalada Laascaanod Amarada Puntland iyo kuwa somaliland keebaa ka shaqeeya{Faalo}.

0

Maxaa ka Cusub laascaanod? Todobaadadii ugu danbaysya waxaa ka cusbaa laascaanod iyo deegaanada Hoostagaba sicir barar baahsan o ay cabasho nololeed oo xoogan ka muujiyeen dabaqadaha kale Duwan Ee  bulshada oo u badan danyar iyo dadka nolosha Hoose ee awalba heli jiray nola maalmeedka Hoose . Bulshada reer laascaanod  oo leh waxgarad culimo iyo haweenka leh ganacsiyada yar yari waxay jaha wareer xoogan kala kulmeen waxa sababaya sicir bararkaan iyo halka uu jaho ahaan ka socdo maadaama laascaanod ka tirsan tahay sida la aaminsan yahay maamulka Somaliland magaalooyinka kale ee maamulkaasina  uusan wax saamayn ah ku yeean isbadalka lacageed ee somaliaya inteeda kale ku dhacay waxaana la dareemayay in maamulka Gobalka iyo kan Policeka qaybta Gobolkaasi ay bulshada deegaankaasi ku riixayaan in lacagaha shilin somaliga ah ee faalsada u badan si khasab ah lagu qaato iyagoo markaasi  haya xilkii maamulka Somaliland halka ay socodsiinayaan lacagtii ay Daabacatay  Maamulka Puntland Hadaba maxay tahay sababta ka danbaysa arintaani.? Guddoomiyaha Gobalka Sool ee Somaliland Cabdi khayre Dirir oo kaashanaya  taliyaha qaybta Policeka Gobalka sool ee Maamulka Somaliland Khaliif Maxamud Cali {Khaliif Afgaab}waxay haystaan dano gaar ah waxay leeyihiin siyaasado dahsoon waxayna heshiisyo qarsoodi ah iyo saamiyo qiimo gal ah ku leeyihiin Puntland iyo inay laascaanod iyo deegaanada Hoos yimaado ka socodsiiyaan kana  hirgaliyaan lacagta faalsada ah ee lagu daabaco gobalada Puntland iyagoo Bulshada isaga dhigaya inay u danaynayaan balse runtu ay Tahay  inay wataan dano shaqsiyadeed iyo heshiisyo Hoose dadka reer laascaanana la tusayo Wejiyo Ka Duwan Wejiga Rasmiga. Waxaa is waydiin Mudan hadaba maadaaa ay yihiin mas’uuliyiin xilal ka haya gobalka ee maamulka somailand sababta ay ugu gogol xaarayaan inay socodsiiyaan lacagaha shilin Somaliga ah ee lagu daabaco Puntand iyo inay fuliyaan amarada ay  Soo Saaran Madaxda Puntland? Waxay haystaan balanqaadyo cad cad iyo saamiyo Muhiim ah hadii sida loogu tala galay ay u socodsiiyaan lacagahaani waa sabaabta ay u wadaan khasab ku qaadashada lacagta ka samaysan warqada A4ta loo yaqaan ee badankeedna lagu daabaco magaalada boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland . Waxaa intaasi dheer oo iyana meesha ku jirta in Guddoomiyaha Gobalka Mudane Cabdi Kheyre Dirir  uu ka mid ahaa ilaaa 2007 shaqaalihii wasaarada Maaliyada Puntland ee Gobalka Sool uuna wali sidii u qaato mushahaarkii laga siin Jiray Ilaaya Wakhtigaas  Kastamka Tukaraqeed oo ah isha Saddexaad ee dhaqaalaha Puntland iyada oo ilaaya Haatan ilo-wareedyada la soo xiriiray Mareegta Goojacade.com aysan uuso xaaqijin Caadadka Mushaharkaas oo Uu Haatan ku xaadiro Walaalkis oo lagu Magacaabo Axmed kheyre dirir oo Ku Xaadirada magacaas keliftay ka dib marki Dhamaadki Sanadki 2016 Loo Magacaabay Cabdi kheyre Gudoomiyaha Gobolkaani Sool waana mid ka mid ah sababa uu u fulinayo amarada ka soo baxa Garoowe . Waxay lacago joogta ah oo u muuqata Laalush ka qaatan  ganacsatada ka soo jeeda Gobalada koonfureed ee somaliya kuwaasi oo ay horay u amartay inay ka baxaan gobalada somaliland oo idil  wasaarada dib u dajinta Somaliland waxayna ku tusaysaa amar diidada madaxtooyada hargaysa iyo fulinta amarada  ka soo baxa Garoowe kuwaasi oo  ay ku jirto dhadhamo lacageed . Yaa abaabulay Mudaaharaadyadii ugu danbeeyay ee Laascaanod.? Waxay abaabulaan saraakiishan is huwani mudaaharaadyo lagu kicinayo bulshada qaybaheeda kala duwan kuwaasi oo hadii aan soo qaadano kuwii ugu danbeeyay tirooba laba  jeer ay ka dhaceen laascaanood sababayna khasaare kala  duwan oo lagagana soo horjeeday sicir bararka iyo khalkhalka lacageed iyagoo dantoodu ahayd inay meesha ka saran lacagtii hore Oo Duugo aheyd  si uu ugu socdo Heshiiskoodi  ahaa socodsiinta lacagta  ay daabacdo Makiinada Taala Boosaaso . Waa shakhsiyaad loo odhan karo  laba wajiilayaaal doonaya in ay iska dhigaan kuwa la shaqeynaya  Bulshada  Balse ka shaqeysanaya Kana fuushanaya  Danahooda Gaarka ah . Yaa ka danbeeyay Dilalka kala duwan ee Gobalka ka dhaca.? Waxaa la ogaaday inay ka danbeeyaan oo ay lug Muhiim ah ku leeyihiin gudoomiyah Gobalka Mudane  Cabdi kheyre dirir in uu   dilalkii kala duwanaa ee ka dhacay magaalada laascaanood ee xarunta Gobalka Sool lug baadi ku laha  iyada oo dilki labadi Askari Ee ka dhacay dhaawan loo qabtay sida ilo-wareedyo uu xaaqijiyeen Mareegtan Mid ka Mid ka mid ah ilaalidiisa Gaarka aheyd oo lagu haya xabsiga dhexe ee Magaalada laascaanod. isaga oo qorshihiisa ugu weyn yahay  in   inta uu   xilka hayo  hadbana meesha kala baxa cida uu isleeyahay  way fahmi kartaa dabinada hagardaamada wata ee  uu dhigaayo shacabka Reer Laascaanod isaga oo Masuulkani Lug Balaadhan ku laha Colaadi ka dhaxeysay Labada Beelod ee walaalaha ee Qayaad iyo Baharasame oo dagaalo Muddo jiitamayey ku dhexmaray degaanada koonfurta Gobolka sool,Dilal Goos goos ahiina ku dhexmareen Gudaha Magaalada laascaanod. Masuulkan ayaa inta badan ku eedaya  faldanbiyeedyadaa dilalka u badna ee gobalka ka dhaca  Kooxda alshabaab iyo kooxo aan awood u lahayn inay laascaano dhexdeeda falal noocaani oo kale ah ka gaystaan iyagoo ka cararaya isku dhacyo beeleedyo yimaada halkaasi uu ka yimaado khasaare iyaga saamayn toos ah ku yeelan karta. Waa side aragtida shacabka reer laascaanod.? Odayaashan fashilan waxay aaminsan yihiin in bulshada deegaanku ka dhag la’dahay waxyaabahan ay maleegayaan iyo amarada ay bixinayaaan ,bulshada laascaanod oo ah dad aragti dheer waxay u arkaan in nimankan si toos ah looga xukumo Madaxtooyada Garoowe ayna si is waafaqsan u fuliyaan amarada Garoowe halka aysan dhag badan siin awaamiirta ka soo baxa hargaysa iyo madaxtooyada siilaanyo waxaana u muuqata reer laascaanod inay soo dhwaatay waqtii talinta labadan shaqsi ee laba wajiilayaasha ah. Talo soo jeedin : Waxaan u soo jeedinaynaa dowlada soomaliland inay si dag dag ah u soo fara galiso xaalada uu gobalkan  oo u muuqata tii ugu liidatay tan iyo intii somaliland la wareegtay maamulida magaalada  laascaanod waxan kalo soo jeedin lahaa inay shaqayso rabitaanka shacabka aan tixgaliyo awoodooda.     Goojacade.com Laascaanod-Sool Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here