Maleeshiyo beeleedyo dagaal culusi ku dhexmaray Beledweyne

0

Warar laga helaya Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaasi uu hadda ka socdo dagaal qaraar oo u dhexeeyo Maleeshiyaad hubeysan. Dagaalka ayaa la soo sheegayaa in leysu adeegsanaayo hubka noocyadiisa kala duwan waxaana lasoo warinayaa in iminka uu hakat galay ganacsiga magaaladaasi. Sidoo kale, dagaalka ayaa la xaqiijiyay inuu ku saleysan yahay arrimo la xiriira Maamulka Gobolka, waxa uuna yahay mid si gaar ah ugu dhexeeya laba beel oo halkaasi wada dega. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in hubka qaar ay ku dhacayaan xaafadaha, islamarkaana uu jiro khasaaro farabadan oo labada dhinac iyo dadka deegaanka soo gaaray. Si dhab ah looma xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalka iminka socda balse waxaase la soo sheegayaa inuu yahay mid aad u culus. Xigasho Caasimada]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here