MAQAAL: CALI KHAATUMO ILA DHISA BUU KA CODSADAY EE ILA MAAMULO ISKUMAY OGEYN

0

Sanado ka hor Shebekada xaysimo.com waxay qortay in Cali Khaliif Galaydh aakhirka Somaliland ku dambeyn doono, odayaasha G11 ay yihiin HANGOOLO uu Madaxweyne Cali Khaliif Maamul ku sameysanayo.

HANGOLKA waxaa la xusuusta oo loo baahdaa maalinta reerku guuro si xerada xoolaha loogu oodo, marka xerada la oodana Hangoolka meel mus ah baa lagu tuura si haddii ninku xanaaqo aanu xaaskiisa ama caruurtiisa ugu dhufan, inta badan raga Reer baadiyaha ee Xaasaskooda waxyeeleeyaa waxay isticmaalaan HANGOOLKA.

G11 MAXAY CALI ISKU KHILAAFEEN?

Maanta umada Reer Khaatumo waa ilaawi lahayd dhamaan dhibtii ay u geysteen haday diidi lahaayeen qoraalkii xaaraanta ahaa ee ADISABABA lagu soo saxiixay, kaas oo aanay ka muuqan ama lagu xusin SAAMO-QAYBSIGII BEESHU MUDNAYD OO AH 50% IYO MASIIR SIYAASADEED TOONA, taas bedelkeeda waxay sheegeen inay taageersan yihiin, laakiin dib loogu dhigo inta ay Soomaaliy ka soo quusanayaan, heshiiskii horena la fulinayo.

MUXUU AHAA NUXURKA HESHIISKII ADIS ABABA?

Nuxurka heshiiskii Adis Ababa wuxuu ahaa labo qodob oo mid kowaad ahaa in Somaliland Maamulkeeda ku fidiso degaamada oo dhan, waxayna ka soo baxday oo waa kuwii ilaa Taleex socday oo qalcadii Daraawiishta Mujaahidiintu isku soo sawiray.

Qodobka labaadna ee qarsoon ee ay leeyihiin waa in la fuliyaa wuxuu noqon karaa Lacag meel loogu soo shubo, oo aanay weli helin, maadaama aanay jirin qodob kale oo muhiim ah oo si cad u qeexan oo heshiiskaas ka mid ah.

Hadaba G11 inay oday Cali Khaatumo la dhisaan baa laysku ogaa, laakiin inay la maamulaan layskuma ogayn, meel ay talada ka soo galaana ma jirto, waxayna ula siman yihiin taageerayaasha kale, in hada la eryaana waxay soo yaraynaysaa fowdada iyo khalad ay had iyo jeer Cali Khaliif la garab taagnaayeen. Haday Xamar xilal ka helaana waxba soo kordhin maayaan, naftooda uun bay xergeynayaan, sidoo kale maaha niman sida Cali Khaliif adkaysan laga sugayo.

Sidaasdarteed waxaa Umada Reer Khaatumo la gudboon in aanay dheg u jalaqsiin hadalada danaystayaashan oo la tuso maqaamka ay bulshada iyo degaamada ka joogaan.

 

Qoraalkani maaha mid Cali Khaliif lagu amaanayo ee waa mid loogu xaq soorayo labo kooxood oo xun xun, waayo waxa xumi wey kala sahlan yihiin, G11 Cali khaliif baa ka mudan dhinacyo badan.

Xigasho. www.xaysimo.com

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here