Maqaal: Dhibaatada Isimadda SSC shacabkooda u geysteen + Kulankoodii Tukaraq + Video.

0

Kadib markii Dawladdii Soomaaliya dhacday 1991 waxaa guud ahaan degaanadda Soomaaliya ka samaysmay kooxo degaamadaas u buuxiya doorkii Xukunka ee dawladaasi la dhacday, waxaana inta badan degaamadda Soomaaliya xukunka la wareegay Jabhado iyo kooxo qabqablayaal ah, kuwaasoo meelaha qaarkood maamulo ka sameeyey. Degaamadda SSC oo aanay wakhtigaasi ka diyaarsanayn Jabhad ama hogaamiyayaal milateri iyo siyaasadeed waxaa kaalintoodii siyaasadeed ama xukun isu diyaariyey in ay buuxiyaan Isimadda dhaqanka SSC oo wakhtigaas ka koobnaa 4 Garaad. Muhiimadda la wareegida doorkooda hogaamintu beelaha SSC ka dhex yeelatay ayaa muddo ka yar 10 sano oo burburka lagu jirey tiradooda gaadhsiisay illaa 13 Isim oo magacyo kala duwan la baxay. Oo mid waliba beel gaar u metelo. Tan iyo wakhtigaas ay Isimaddu la wareegeen Talada iyo Hogaaminta degaamadda iyo beelaha SSC waxay shacabka SSC dhaxleen dhibaatooyin dhinacyo badan oo ay Iyagu ka masuul yihiin kuwaas oo ay ka mid yihiin:- 1. Amaan darro tan iyo wakhtigaas ka dhex jirtey degaamadda iyo beelaha SSC oo gaadhsiisan illaa heer jifi hoosaad taas oo galaafatay birimageydo badan oo dagaamadda kasoo jeeda. Illaa maantana qaarkood xal loo la’ yahay. 2. Barakac iyo Qabsi dhulka SSC intiisa badan ku dhacay. 3. Dibudhac xagga Arimaha Bulshada (Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, IWM). 4. Dibudhac xagga horumarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha. 5. Burbur, Iska horkeen, iyo tafaraaruq bulshadda dhexdeeda ah. 6. Sharaf dhac iyo Magac xumo guud ahaan bulshada SSC ku habsatay. 7. Cadaalad darro xoogan oo ay ka dhex sameeyeen guud ahaan SSC, Gaar ahaana beelaha ay Isimadda u yihiin. Waxaa laga yaabaa in dad badani isweydiiyaan sidee bay uga masuul noqdeen dhibaatooyinkan bulshadda SSC gaadhay. Taas oo jawaabteedu noqonayso tusaalooyinkan kooban:- 1. Waxay Aaminsan yihiin in ay wax ku xukumaan ama ku xukumi karaan siyaasadda “QAYBI OO XUKUN” Waxay isku direen, Iska horkeeneen, fidmo iyo tafaraaruq dhex dhigeen beelihii ay isimka u ahaayeen, si beelaha oo dhami col u ahaadaan oo ay uga kala ilaaliyaan in cid beelahaas ka mid ahi talo Saldanadda Isimkaas lid ku ah Isugu timaado. Waana fikir laga dhaxlay gumaystayaashii hore ee Caalamka. Waana sababta hadaad maanta u fiirsato Isim walba Beelihii uu Isimka u ahaa Colka u wada yihiin. Wuxuuna doonayaa in uu beel walba gaar keeda u xukumo. Waxaana Tusaale kuugu filan waxaas beelaha SSC colaad iyo dhib dhextaal siiba gudaha beelihiisa. lama arag Isim nabadooda ka dhex shaqaynaya, mid walibana wuxuu mashquul ku yahay Siyaasad, Arimo kale, iyo sidii uu usii kala fogeyn lahaa. 2. Intooda badani Ma laha aqoon, daacadnimo iyo qorshe ay guud ahaan bulshada ugu samayn karaan Amaan, Horumar, iyo maamul. intooda badanina waa Jaahiliin garasho yar oo heerka qabyaaladooda iyo Eexdoodu gaadhsiisan tahay Bah-bah. 3. Cadaalad daradooda oo soo jireen ahayd waxaa shacabka SSC aad u fahmay markii 1960 labadii Isim ee wakhtigaas jirey labadii kursi ee beelahoodu kala heleen midna walaalkiis siiyey midna wiilkiisa siiyey. Intii ka dambeysayna sidaas iyo si kasii daran ayay u maamulayeen waana sababta mid walba kuwo kale oo islahaa cadaalad darrada ka carara uga sii farcameen. Hadaad u fiirsato mid walba Mansabyada beelaha uu isimka u yahay ka heleen qaybaha Soomaaliya waxaa ku fadhiya Wiilkiisa, Walaalkii, wiil uu adeer u yahay, ama qof kale oo qoyskiisa ah. Mana jiro mid waxaasi ceeb la yihiin. Waxaa ka mid ah qaar intii lagu caanashubtay kadib reerkoodu Hal Xildhibaan iyo hal Iskolarship heleen oo labadiiba geeyey labo qof oo uu dhalay. 4. Waxaa kala tafararuqay iyaga laftigoodii waxayna noqdeen kooxo, koox walibana maamul Soomaaliya ka mid ah ayay dul fadhiyaan oo xoogaa Sandareerto ah ka qaataan. Mid walibana maamulka uu la joogo ayuu ku yiraahdaa waan idin jeclahay, waan idiin Qiirooday, waan idiin Ilmeeyey, IWM. Mana jiro mid ka warhaya xaaladda dadkii uu Isimka u ahaa. KULANKII TUKARAQ EE QAAR KA MID AH ISIMADDA SSC. Waxaa kulankan oo Tukaraq ku qabsoomay 16/05/2017 isugu yimid Afar Isim oo kala ah Garaad Saleeban Garaad Maxamed, Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, Garaad Saleebaan Buraale, iyo Boqor Cabdillaahi Dabagooye. Wuxuu ahaa Kulan lagu soo abaabulay kooxaysigii iyo Isxulufaysigii beryahanba Iyaga ka dhexjirey, kaas oo weliba ay ka dhexmuuqatay abaabulka Maamuladda Puntland iyo Federaalka oo ay u xagliyaan. Waxaa lagaga soo horjeeday qaar ka mid ah Isimadda SSC, iyo Maamulka Khaatumo. Waxaa loo balamay in bacdal ramadaan la qabto shirkii ay hore qaarkood Buuhoodle kaga baaqeen. Waxaa loo gacan haadiyey Dawladda Federaalka, Puntland, iyo Jubaland. Waxaana la isla gartay in dhamaadka Ramadaan intaan shirka Buuhoodle la isugu iman wefti Isimo ahi socdaal kusoo maraan Garoowe, Muqdisho, iyo Kismaanyo si loo soo gacan mariyo maamuladaas. Waxaa Khadka Taleefanka lagula xidhiidhay Xildhibaan Jengeli si uu fariintooda ugu gudbiyo Muqdisho, iyo Kismaanyo. Garoowena waxaa loo xilsaaray Isimaddii awalba ka yimid. Maamulka Somaliland Wadahadalka Khaatumo kula jirto diidmo aan ahayn looma muujin. Inta badan Isimadda SSC waa kuwo dhowr iyo toban jirsaday, waxaana fashilkoodu soo jiitamayey tan iyo wakhtigaas. Waxay hadal haynta ugu badan ee kulanka ka dhalatay ahayd in Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo jirey wax ka yar 3 Sano, labadii Saldanadood ee ka horeeyey ee Walaalkii iyo Aabihiina ay ahaayeen kuwo miisaan culus ku lahaa xagga Hogaaminta, Diinta, iyo Dhaqanka, aadna loogu hanweynaa, lagana filayey in caleemasaarkiisii xalilo mashaakil balaadhan oo degaamadda SSC haysta uu khilaafka iyo Kooxaysiga qayb ka noqdo. Indhihiisuna mar walba eegaan keliya Odayga uu abtiga u yahay ee Cali Khaliif Galaydh iyo Maamulka Khaatumo ee uu hogaamiyo. Waxaa la gudboon Garaad Soofe in uu dhinac uga leexdo xagaafka fashilka ee uu sida xawliga ah ugu dhex socdo. KARAAMADDA SHACABKA SSC Inkastoo Isimadda SSC Shacabkooda meel xun dhigeen oo aanay meelna u dhaafin hadana waxaa la odhan karaa shacabka qudhoodu ma karaamo yara. Dhib badan bay Isimadda qudhooda ku gaadhsiiyeen Samir faro badan, sida Cuduro aan qaarkood bogsi lahayn, Burbur qoysaskooda ah, Diin la’aan, dhaqan xumo, welwel, Cidhiidh xagga Nolosha ah, IWM. MAXAA LA GUDBOON SHACABKA IYO BEELAHA AY ISIMADDA U YIHIIN EE SSC. Shacabka iyo Beelaha ay Isimadda u yihiin waxaa la gudboon in ay fahmaan in aanay Inta badan Isimaddoodu waxyeelo mooyee waxtar u lahayn, hogaamintooda siyaasadeed iyo xukuna tuuraan, kuna celiyaan hogaamintoodii dhaqan oo kii aan si fiican oo beesha dani ugu jirto aan wax u hogaaminayn lagu bedelo mid loo arkay in uu ka khayr roon yahay. Daawo Video Cali Xaraare ka sameeyey hab dhaqanka Isimadda SSC. https://youtu.be/b0erOVepjpw Mukhtaar Jaamac Ibraahim goojacadewebsite@gmail.com ROMA, ITALY]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here