MAQAAL: HARGO MADHAN SIDE HAWLI KAMA TEGIN HABAARNA U DHEER

0

Sida lala wada socdo Dawlad-goboleedka Puntland waxay ahayd Maamulka keliya ee maamul iyo shacaba kasoo horjeestay nidaamkii ay Madasha Qaran ku gaadhay in Doorashada Federaalka Soomaaliya ee 2016/2017 lagu galo nidaamka 4.5. Isjiid-jiid badan kadib waxay Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Raysalwasaaraha Cumar C/rashiid Cali oo arintaas hadalkeeda u yimid Garoowe ku heshiiyeen in Puntland qaadato nidaamka 4.5 taa bedelkeedana Cumar C/rashiid loo sharaxo Madaxweynaha Soomaaliya. Tan iyo waqtigaas Madaxweynaha Puntland iyo Golayaashiisuba waxay olole ugu jireen sidii Cumar Madaxweyne u noqon lahaa. Waxay dayaceen dhamaanba hawlihii Puntland ka jirey sida Amniga, Dhaqaalaha, horumarka, iyo Siyaasada. Waxa qudha ee mashquulka lagu noqday waxay noqotay arintaas. Waxaa la joojiyey dhamaanba dhaqaalihii adeegyada dawladda lagu socodsiin lahaa sida Mushahaarooyinka, iyo Wixii la mida. Puntland waxay noqotay meel aan wax kale iska daaye wax mushahaarooyin ah la isweydiin inkastoo bixin la’aanta mushahaarooyinka bilowgiiba maamulku la kowsaday. Waxaa la daabacay lacago badan oo sh. So faalso ah si tartanka Doorashada Soomaaliya loogu galo. Waxaa la urursaday Dhaqaalihii Miisaaniyadda Dawladda ee soo xeroonayey. Waxaa mudooyinkanba suuqyada lagu arkayey lacago sh. So xad-dhaaf ah oo si toosa Doolar loogu bedelayo. Gebi ahaanba wakhtigii loo baahnaa in arimaha Puntland wax lagag qabto ayaa arimaha Doorashooyinka Soomaaliya la geliyey. Xulidii xildhibaanada Labada aqal ee Soomaaliya ayaa si fool xun musuqmaasuq iyo laaluush loogu isticmaalay. Dhamaan arimahaas oo dhami waxay keeneen in Maamulka Puntland iyo Shacabkaba ay wajahaan Amni daro, Sicir barar, Mushahar la’aan iyo abaaro baahsan oo aanay Dawladdu wax ka qaban. Ugu yaraan Shan milyan oo doolar oo Puntland leedahay ayaa kharashaad loogu isticmaalay xili maamulkeedii iyo dadkeediiba aad u liitaan. Waxaa Degaanada Puntland mar ka wada ambabaxay Maamulkii Puntland oo golayaashiisii iyo shaqaalihiisii wax yari ka maqan yihiin, Xildhibaanadii intooda badan musuqmaasuqa lagu soo saaray iyo Raysal wasaare Cumar C/rashiid iyo wixii dhaqaale la helayey dal iyo dibad mid kasta halaga keenee. Dhaqaalaha waxaa ugu danbeeyey Hal milyan oo Doolar oo Madaxweynaha Puntland, Wasiirkiisa Maaliyadda iyo Gudoonka baarlamaanka Puntland iyo xubno badan oo golayaasha Dawladda iyo shaqaale ahi ku tageen muqdisho 10 cisho ka hor 8 febraayo 2017 oo doorashada Madaxweynuhu ku beegnayd ay la tageen. Xilliga ay Muqdisho tageen waxa ku sugnaa ugu yaraan dhowr Musharax oo Puntland kasoo wada jeeda kuwaas oo kala ah:- 1. Xildhiban Craxman Sh. Maxamed Faroole. 2. Dr Cali Xaaji Warsame. 3. Siciid C/laahi Deni. 4. Maxamed Yaasiin. 5. Maxamed C/risaaq. 6. Axmed Maxamed Cabdi Jabarti. 7. Prof Sakariye Xaaji Cabdi. Madaxweynaha iyo golayaashiisu waxay awoodooda isugu geeyeen Musharax Cumar C/rashiid oo keliya. Dhamaanba intii kale waa laga hiiliyey, xataa lalama hadlin, la isuguma yeedhin oo layskuma deyin in la heshiisiiyo. Inta badan Xubnaha golayaashiisu waxay u dhaqaaqeen arimo dhaqaale raadin iyo dilaalnimo ay dilaalayaan oo mar musharax horgeynayaan Xildhibaanadii ay abaalka musuqmaasuqa ah hore u gashadeen taas oo keentay in ay Muqdisho caan ka noqdaan. Maamulka Gaas iyo Cumar C/rashiid inkastoo aan la garanayn cida fikirkaas maskaxda ugu shubtay waxay aamineen in Musharaxoodu Madaxweyne ka noqon doono Soomaaliya. Waxaase la odhan karaa in ay fikirkaas ka cabireen mudadii badnayd ee ay arintan keliya shaqda ka dhigteen. Inkastoo intii ay Muqdisho ku sugnaayeen ay isku dayeen in ay xulufaysi ka raadsadaan Xasan Shiikh iyo Shiriif Sh. Axmed hadana alle waxba kama dheefsiin, waxaana goob joogayaashu cadaynayaan in ay habeenimadii maalinta doorashada ka horeysay 4 milyan oo doolar laaluush u qaybiyeen. Nasiib daro shaqadii badnayd ee ay qabteen, laaluushkii tirada badnaa ee ay bixiyeen, xildhibaanadii ay musuqmaasuqa baarlamaanka ugu dareen, dayacaadii Puntland iyo musharixiintii loo kala hiiliyey waxay maalintii doorashada oo Febraayo 8 2017 u gooyeen 37 cod. Waxayna kooxdani hoolka doorashada kasoo baxeen iyagoo kabna lulaya kabna laadlaadinaya. Waxay heleen Cumar iyo Gaas abaalkii siday u shaqeeyeen, natiijadani waxay 7 cod dheerayd tii Gaas ka helay Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya 2012. Waxaana hadda Puntland ku sugaya Madhaxii waxay ka shaqeeyeen oo ay si dhakhso ah u wajihi doonaan. Waxayna arintani noqotay Fashilkii ugu xumaa ee abid soo food saara Siyaasiyiinta beesha Maxamuud Saleeban. Ugu dambayntii Madaxweyne Gaas, Cumar C/rashiid, Gudoonkii iyo xubnihii golayaasha dawladda iyo shaqaalihii la socday, dilaaladii caan baxay ee doorashooyinku waxaa illaa shalay iyo maanta iyaga oo hungo ah habqankoodu soo buuxiyeen Garoomada diyaaradaha Boosaaso iyo Gaalkacayo walow garoowena maanta lagu arkayey horaanta habqankooda. Dhacdadan oo kale waxay Soomaalidu kaga maahmaahday HARGA MADHAN SIDE HAWLI KAMA TEGIN HABAARNA U DHEER. goojacadewebsite@gmail.com ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here