Mareykanka Cambaareeyey xadhiga Somaliland kula kacday Telefishinada Universal iyo Star

0
usa flag

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku cambaareyneyso xadhiga ay xukuumadda Somaliland kula kacday xarumaha telefishinada Universal iyo Star ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa.

Sidoo kale qoraalka safaaradda Mareykanka ayaa ugu baaqaya xukuumadda Somaliland, inay xushmeeyaan, isla markaana ilaaliyaan xuquuqda xoriyadda hadalka.

“Waxaan cambaareeneynaa hanjabaadaha iyo xadgudubyada ka dhanka ah suxufiyiinta iyo warbaahinta xorta ah ee Somaliland. Waxaan ugu baaqeyntaa hoggaanka Somaliland inay xushmeeyaan, difaacaan, islamarkaana ilaaliyaan xuquuqda xoriyadda hadalka. Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay ku celineysa sida ay uga go’an tahay difaaca xoriyadda saxaafadda” ayaa lagu yidhi qoraalkan oo lagu baahiyey barta Twitter-ka ee Safaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here