Mareykanka oo beeniyey in muwaadiniintoodu la socdeen diyaaradii Afgooye ku dhacday

0

Pentagon-ka Mareykanka ayaa beenisay in Diyaaradii ku dhacday deegaanka Cumar Beere ee duleedka Degmada Afgooye ay la socdeen muwaadiniin u dhashay dalka Mareykanka. Sarkaal u hadlay Wasaarada Difaaca dalka Mareykanka ayaa sheegay inaysan jirin muwaadiniin u dhashay dalka Mareykanka oo la socday Diyaaradaasi. Warar soo baxay ayaa sheegaya Diyaarada in lagala dagay Ajaanib saarneyd oo tiradooda ay gaarayso 9 rag ah iyo 3 haween ah, kuwaasi oo loo badinaayo inay gacanta u galeen Ururka Al Shabaab. Diyaaradan ayaa doonaysay inay ka degto Garoonka Diyaaradaha ee Balidoogle, balse lama oga cilada ku timid oo ay halkaasi ugu dhacday. Diyaaraddan Daniel 300f ayaa waxay ka soo ambabaxday Magaalada Nairobi, iyadoona ku sii jeeday Garoonka ciidamada ee Balli-doogle, oo sida la sheegay ay saldhig military oo qarsoodi ah ay ku leeyahay ciidamada Militariga Mareykanka. Ciladda ku timid diyaaraddan ayaa loo malaynayaa inay ka dhalatay roobab xoogan, oo ka da’aayay inta u dhaxeyso Afgooye iyo tuulada Toora Toorow.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here