Masuuliyiin Cusub oo loo magacaabayo Hayadaha Amaanka Gobolka Sool Ee Somalilland si amaanka dib loogu hanto

0

Warar isa soo taraya oo laga helaya Xukuumada Somaliland ayaa tibaaxaya in dib u qaabayn balaadhan lagu sameyn doono hayadaha Amaanka Gobolka Sool, kadib markuu aad u xumaaday Amaankii Gobolka oo maraya heer maalin cad magaalada dhexdeedii laga baqo. Waxaa dib loo fiirinayaa dhamaan Isbedeladii dhacay tan iyo intii la magacaabay Wasiirka Arimaha Gudaha, ee la tashigiisa lagu bedelay, kuwaas oo u muuqda in lagu khasaaray, waxaana xulista masuuliyiinta loo daba fadhiisan doonaa hayadaha ay khusayso, si ay ugu soo doortaan cidii ay u arkaan inay waajibkaas gudan karto. Isbedelka Masuuliyiinta ayaa la sheegayaa inuu saameeynayo Gudoomiyaha Gobolka iyo kuxigeenkiisa, Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka, Taliyaha Nabadsugida Gobolka iyo wixii kale ee lagama maarmaan loo arko. Ujeedada qaabaynta ayaa ah mid dib loogu hagaajinayo nabadgelyada iyo xasiloonida Gobolka. Talaabadan ayaa mudo dheer laga sugayey Madaxtooyada Somaliland, laakiin iminka si dhaqso ah loo bilaabayo. Goojacade.com Hargeysa-Somaliland Email:-Goojacadewebsite@gmail.com
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here