Maxaa dhici kara haddii Sudan, Masar iyo Itoobiya ku heshiin waayaan biyo-xidheenka?

0
webiga nile

Waxa la hakiyey wareegii u dambeeyey ee wadaxaajoodka u dhexeeyey Masar, Itoobiya iyo Sudan ee ku saabsanayaa hawl galka biyo-xidheenka ay Itoobiya ka dhisayso webig Niil.

Arintaasi waxay daba socotay iyadoo badhtamihii bishii Juulaay ay masuuliyiin Itoobiyaan ahi shaaciyeen in la gaadhay yoolkii sannadka koobaad ee buuxinta harada biyoxidheenka iyada oo aan wax heshiis ah weli la gaadhin. Tallaabadaas oo ay Qaahira iyo Khartuum ku tilmaameen mid dhinac keligii ku dhaqaaqay oo aan la aqbali karin.

Wadaxaajoodka maxaa laga filayey?

Tan iyo bilowgii wadahadallada ku saabsan arintani markii uu bilaabmay dhismaha biyoxidheenku sannadkii 2011, waxay Masar iyo Sudan dalbanayeen in la gaadho heshiis dabar sharci leh oo buuxa, kaas oo ay ku jiraan qodobo qeexaya badbaadada biyoxidheenka iyo sidoo kale xaddiga biyaha ah ee lagu weecinayo haradiisa xilliyada abaaraha iyo sidoo kale qaabka uu u hawlgeli doono. Waxa intaa dheeraa oo ay dalbanayeen in la helo hab lagu xalin karo khilaafaadka soo baxa iyo sidoo kale in loo dhigo si ku haboon qaabka iskaashi ee lagu gaadhi karo himilooyinka shacabka saddexda dal.

Itoobiya ayaa iyaduna dhankeeda ku adkaysanaysay in marka hore la saxeexo habka loo buuxinayo harada biyoxidheenka maadaama oo qaabka hawlgalkiisa hadii wax laga tawdo mustaqbalka codsi ka yimaad dalalkaa wax lagaga bedeli karo iyada oo aan marka horeba lagu xidhin shuruuddaha Masar iyo Sudan wataan. Sidoo kale Itoobiya waxay diiday in la xadido xadiga biyaha lagu weecinayo harada biyoxidheenka marka la dhamaystiro buuxinteeda ee uu hawl galo biyoxidheenku.

.

Xagga mudada lagu buuxinayo harada biyoxidheenka, Masar waxay qabtaa in aanay ka yaraan todoba sannadood oo waliba biyaha lagu weeciyo uun harada marka ay daadadka waaweyni soo rogmadaan oo keliya, halka Itoobiya ay iyadu qabto in lagu buuxiyo harada muddo afar sanadood ah oo aan wixii intaa ka dambeeyna biyaha lagaba joojin.

Marar badan ayay saddexda dal ku heshiin waayeen in ay xaliyaan murankan taagan, markii ugu dambaysana waa wadaxaajoodkii Midowga Afrika bishii hore ee Juulaay dhexdhexaadinayey.

Maxaa dhici doona hadii Itoobiya ku adkaysato in ay 4 sano ku buuxiso harada?

Hadii mudada lagu buuxinayo harada biyoxidheenku yaraato waxa badanaysa saamaynta taban ee ay arintaasi ku yeelanayso Masar iyo Sudan.

Laakiin sida uu sheegay Dr Ayman Shabaana, oo ah khabiir ku takhasusay arimaha biyaha, in 4 sano lagu buuxiyo harada biyoxidheenku waxay ka dhigantahay in ay qiyaastii 12 milyan oo mitir saddex jibbaaran ay ka go’aan xadiga biyaha ee Masar haatan hesho sannadkii, Sudan na duruuf taas oo kale ah ayaa qabsan doonta.

Sidoo kale waxa qalali doona 25% dhul beereedka Masar,waxaanay arintaasi keeni doonta hoos u dhac ku yimaad wax soo saarta cuntada ee dalkaas oo Masar waxay ku qasbanaan doontaa in ay cunto badan oo dheeraad ah soo waaridato. Waxa kordhi doona shaqo la’aan ku habsata beeralayda. Sidoo kale waxa hoos u dhici doonta tayada carrada dhul beereedka Masar. Waxa kale oo ay arintaasi saamayn taban ku yeelan doontaa kalluumaysiga iyo quwadda laydh tiriigga ee laga dhaliyo biyoxidheenka Aswaan oo is dhimi doonta 50%.

In kasta oo aan saamaynta ka dhalatay xaddiga durba sannadkii koobaad lagu leexiyey harada aad loo dareemayn, waxa hadana cad in durba Sudan laga dareemay hoos u dhac biyaha iyo korontada ah. Sannadka labaad se saamaynta ay arintaasi ku yeelanayso labada dal intaa way ka sii badan doontaa.

Hadii wadahadalladu fashilmaan maxaa dhici doona?

Hadii ay guul darraystaan wada xaajoodyadan socdaa, waxa Midowga Afrika la soo gudboonaan doona laba mid kood. Waa ta koobaad e in uu arinta u gudbiyo gudiyada gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arimahaas oo kale si ay u sii wadaan dedaalka wadaxaajoodka midho dhal lagaga doonayo. Sida gudida nabadda iyo nabadgelyada ama gudida khubarada, sida uu qabo Dr Ayman Shabaane na waxay arintaasi dhib ku noqon doontaa Masar iyo Suudaan oo ay “wakhtiga ka lumin doontaa”.

.

Ta labaad na waxa weeyi in arinta loo gudbiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay halkaas oo ay suurto gal tahay in lagu eego arinta iyada oo la raacayo cutubka lixaad ee Axdiga Qaramada Midoobay iyo ka todobaad ba, taas oo keeni karta in Itoobiya la faro in ay hakiso buuxinta harada biyoxidheenka ilaa inta heshiis laga gaadhayo arinta. Sidoo kale, waxa dhici karta in arinta loo gudbiyo Maxkamadda Caddaaladda Aduunka, in kasta oo sida uu sheegayo Dr Shabaane xukunka ka soo baxa maxkamaddaasi aanu yeelan doonin culays sharci laakiin waxa uu yeelan doonaa muhiimad siyaasadeed.

Laakiin hadii arintaas dhacayso waa in marka hore Masar iyo Sudan ay helaan tageerada mid ka mid ah xubnaha joogtada ah ee golaha, arintaasi si waxay u muuqataa mid aan dhici karin maadaama oo wararka soo baxayaa tibaaxayaan in Shiinaha iyo Ruushku arintaa diidadan yihiin sababtuna waxa weeyin in aanay doonayn in arintaasi noqoto xeer sharci maadaama ay labadooduba dalal ay deris yihiin isku hayaan webiyo dalalkooda mara oo ku biyo shuba wadamadaas.

Waxa intaa dheer in bankiyo Shiinaha laga leeyahay ay ka qayb galeen maalgelinta biyoxidheenka, shirkadaha Shiinaha mid ka mid ahina waxay qandaraas ku qaadatay qaybinta korontada laga dhalin doono biyoxidheenkaas. Laakiin hadii lagu garnaqsado Maxkamadda Caddaaladda Dunida horteeda, Masar iyo Sudan dooddoodu way ka cuslaanaysaa ta Itoobiya marka la eego heshiisyada taariikhiga ah ee arintaa ku saabsan.

Hase yeeshee, sida uu qabo Dr Ayman Shabaane, waxa intaa dheer guluf diblomaasiyadeed iyo mid sharci oo ay qaadi karaan Masar iyo Sudan oo ay horgeyn karaan hay’ado kale sida UNESCO maadaama oo ay ku doodi karaan in hadii uu dumo biyoxidheenka Itoobiya goobo taariikhi ah oo ku yaal woqooyiga Sudan iyo koonfurta Masar ay halis gali doonaan.

Sidoo kale waxa ay dacwado u gudbikaraan hay’adaha u gaarka ah daryeelka deegaanka maadaama oo hoos u dhaca ku yimaad biyaha Niilku ay saamayn taban ku yeelan karto beeraha iyo xoolaha qaaradda oo dhan.

Doorka Golaha Ammaanka

.

Masar waxay bishii May 2020 u gudbisay Golaha Ammaanka warqad ay war kaga siinayso xaaladda wadahadallada maadaama oo [colaadda arintan ka dhalan kartaa] “halis ku noqon karto nabadda iyo nabadgelyada dunida” markii dambena Sudan ayaa qoraal kaas oo kale ah u dirtay golaha.

Laakiin markii ay fashilmeen wadahadallo ay Sudan markaa dalbatay, ayaa Masar waxay dacwad ay ku eedaynayso Itoobiya in ay jabisay heshiiskii mabaa’diida u gudbisay golaha, waxaanay ka digtay cawaaqibka ka dhalan doona hadii Itoobiya iyadoon laga heshiin harada biyoxidheenka buuxiso.

Markaas ayaa Golaha Ammaanku arinta u xil saaray ururka Midowga Afrika inuu dhexdhexaadiyo oo arintaa galo, hase yeeshee wadahadalladaas ayaa la sheegay in ay fashilmeen ka hor intaan wareegan labaad ba bilaabin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here