Maxaa ka jira in Muuse Biixi dagaal kula jiro xubnihii aan u codeyn ama ka fekerka duwanaa

0

Waxaa mudooyinkii ugu dambeeyey isa soo tarayey wararka sheegaya in Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi uu colaad iyo xintan hoose kula jiro siyaasiyiintii Xisbiga ka tirsanaa ee taageeray Musharaxiintii kale ama ka fekerka duwanaaday. Arinta aadka u soo ifbaxday oo saxaafada qaarkeed wax ka qoreen ayaa waxaa ka mid ah hadalo xanafaysan iyo aflagaadooyin la sheegayo in Madaxtooyada ay ku dhexmaray Gudoomiye Muuse iyo Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibeda Axmed Aadan Ismaacil (Axmed Keyse), taas oo la xoojinayo in gudoomiye Muuse Biixi si qaawan u weeraray Wasiir ku xigeenka. Arintan ayaa ah mid welwel weyn ku abuuraysa waxgarad, siyaasiyiin iyo aqoonyahan badan oo reer Somaliland ah, oo ay u muuqanayso in Muuse Biixi weli ku taagan yahay HALKU DHIGIISII AHAA (ANIGOO WAX DILI KARA DUCO QAADAN MAAYO). Daawo Meeshii ay iskala qaadeen Muuse Biixi iyo Wasiir kuxigeenku. https://youtu.be/SNM4vVsbr5U

Xigasho xaysimo.com

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here