Maxaa Ka Mid ah Qodobada Xasaasiga ah ee Shirka Golaha wasiirada Lagag Dooday?

0

 Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Xukuumada Mahdi Maxamed Guled (Khadar), iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uu ku soo biirey shirka intii uu socday oo uu dardaaran u jeediyey Wasiirada. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa ahaa dardargeinta Hindise Sharciyeedyada muhiimka u ah howlaha Dowlada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada dardargelinta shuruucda dalka bacdamaa ay Dawladan tahay tii Sharciga iyo Shacabka, shacabkana ay naga sugayaan waxqabad dhan walba ah.

Golaha ayaa dhageystay warbixino ku aadan shuruucda ay gacanta ku hayaan wasaaradaha qaar si loogu sii diyaar garoobo oo Golaha Wasiirada ay u ansixiyaan ka hor inta aan loo gudbin Baarlamaanka. Wasiirada ayaa sheegay in shuruucda ay diyaariyeen, qaarna ay weli wadaan wadatashi, iyadoo la isku raacay in shuruuc ka badan 20 ay diyaar yihiin, Hindise Sharciyeedyadaas oo ay ka mid yihiin;

1. Isgaarsiinta 2. La Dagaalanka Musuqmaasuqa 3. La-Dagaalanka Argagaxisada 4. Runta & Dib u Heshiisiinta 5. Dawladaha Hoose 6. Dambiyada Kufsiga 7. Muwaadinimada 8. Dadka Baahiyaha Gaarka qaba 9. Kalluumeysiga & Kheyraadka Bada 10. Badda 11. Kheyraadka Biyaha 12. Tamarta 13. Maareynta Maaliyada 14. Istaatiistikada 15. Xeerka Saxaafada 16. Waxbarashada 17. Nidaamka Hay’adaha Samafalka 18. Sharciga Beeraha 19. Gudiga Muftida Culumada Xafiiska Shabakada Goojacade.com Muqdisho Somalia Goojacadewebsite@gmail.com
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here