Maxaa Kasoo baxay doodii Xildhibaanada Gollaha Shacabku ka lahaayeen Amniga Muqdisho?

0

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ayaa waxaa soo xaadirtay 156 Xildhibaan, waxaana mar kale Xildhibaanada ay si qoto dheer uga hadleen amniga dalka iyo eedeymo ay u soo jeedinayeen Xukuumadda. Qaar ka mid ah Xildhibaanada ka hadlay kulankii maanta ayaa ku eedeeyay Xukuumadda inay ku fashilantay amniga, isla markaana ay tahay in lala xisaabtamo. Ugu dambeyn Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay in wixii aragtida Xildhibaanada loo gudbinayo Guddiyada difaaca iyo Amniga Golaha Shacabka, sidaas darteed warbixin ay ka soo diyaarinayana, dibna loogu soo celin doono Baarlamaanka.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here