Madaxda dawladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa maalmahan ku shirsanaa magaalada Muqdishe ee caasimada Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacaya Villa Somalia ayaa looga hadlayaa qaabka ay u dhici karto doorashada baarlamaanka sannadkan. Qodobada la lafa guray waxaa ka mid ah qaabka iyo tirada ergooyinka soo dooranaya xildhibaannada iyo samaynta guddiga doorashada federaalka. Haddaba faahfaahinta qodobadan farsamo ee dooarshada 2016-ka ayaa Falastiin Axmed Iimaan waxay ka waraysatay Cabdirashiid Khaliif oo ah Agaaismaha Machadka Heritage ee Muqdisho. Shirka Madasha: ]]>
QORAALADII U DAMBEEYEY
Akhriso Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr
Raiisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta magaalada Jigjiga ku geeriyooday.