MAXAA SABABAY CALI KHALIIF INUU HORORSADO WADAHADALKA SOMALILAND

0

4 bishan waxaa magaalada Caynabo soo gaadhay wefti caalwaa ah oo ka socday Maamulka xuduud wareega ah ee uu hogaamiyo Cali Khaliif Galaydh, kuwaas oo uu usoo diray inay Somaliland wadahadal la furaan. Kooxdan ayaa markii ay la kulmeen xubno Somaliland ka tirsan dib u laabtay si ay ugu warceliyaan horjoogahoodii Cali Khaliif Galaydh, ilaa hadana ma cada waxa ay ka wadahadleen. Cali Khaliif oo horey wadahadalka Somaliland shuruudo adag ugu xidhi jiray ayaa taageerayaashiisa ka fejecisay talaabada ismiidaaminta ah ee uu qaaday isagoo aan kala tashay maamulkiisii iyo taageerayaashiisii. MAXAA SABABAY CALI KHALIIF INUU HORORSADO WADAHADALKA SOMALILAND? Sida lawada ogsoonyahan bishii tagtay ee july degaamadii Cali Khaliif iyo Maamulka Khaatumo sheegan jireen ee Sool, Sanaag iyo xaysimo waxaa ka dhacay isbedel weyn oo siyaasadeed kaas oo godoominayey Cali Khaliif iyo Maamulkii uu sheegan jiray. Waxaa Magaaladda Awrboogeys heshiis ku gaadhay Beesha Maxamuud Barri iyo Somaliland, kaasoo dhabarjab ku noqday kooxdii Cali Khaliif. Sidoo kale Isla dabayaaqadii July waxaa Magaalada Adhicadeeye ku shiray Beesha Maxamuud Garaad, kuwaas oo mowqif midaysan oo Somalilandnimo ah ku dhawaaqay, taas oo Cali Khaliif u cadeysay inuu ku jiro godoon siyaasadeed iyo inay faraha ka baxeen dadkii iyo degaamadii uu sheegan jiray inuu metelo oo uu ku gorgortami jiray. Shirka Awrboogeys iyo Adhicadeeye wuxuu sababay inuu Cali Khaliif si indho la’aan ah u hororsado yaan Somaliland lagaaga horey, wuxuuna si toos ah ula hadlay saaxiibkiisii hore ee Madaxweyne Siilaanyo oo uu ka beryey in lala hadlo, taasoo keentay in Magaalada Caynabo lagula kulmo. Dagaalka, gulufka iyo godoominta Cali Khaliif iyo kooxdiisa Jilbaha loogu dhigay waxaa hogaaminayey Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo ah nin ay horey uga dhexaysay xurguf siyaasadeed iyo kala aragti duwanaansho fog, wuxuuna ku guuleystay inuu kala jaro xidhiidhkii u dhexeeyey Beesha Maxamuud Garaad iyo Cali Khaliif, taasoo sababtay inuu soo afjarmo hankiisii uu mudada dheer ku riyoonayey. ISDHIIBISTA CALI KHALIIF MAXAY SOMALILAND KU SOO KORDHINAYSAA? La soco xaysimo.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here