“Ma ogtahay afar shirkadood oo si gaadh ah loo lee yahay in Miisaaniyadda Puntland ee 2017 ay ku leeyihiin in ay ka Miisaaniyad badan yihiin 6 Wasaaradood oo Puntland ah”
]]>

HORDHAC
Musuq-maasuqu waa aafo iyo musiibo caqabad ku ah jidhitaanka bulsho, waxaana uu naafeeyaa, horumarka dhaqaale siyaasadeed ee dowlad leedahay. Muraayad waxay dabagal iyo u kuurgelid ku samaysey sababaha keena in maamulka Puntland noqdo mid fakhri ah, oo aan lagu maamuli karin miisaaniyad sanadeed kasta ee la dejiyo. Isu bar-bardhig lagu sameeyey maamulada dalka ka jidha shaqaalaha mushaharkooda ayaa Maamulka Puntland noqdey kan shaqaalihiisu ugu mushaharka hooseeyaan, taas waxaa dheer in shaqaaluhu aysan helin xuquuqdooda mushahar. Agaasime waaxeed wasaaradeed ee maamulka Puntland waxaa mushahar ahaan u qoran $80 bishii, taas oo ah mid ka fog caqliga in qof noloshiisa ku maareeyo maanta bishii $80 isaga oo ay ku xidhan yihiin qoys ay dhici karto caruurtu in ay ka badan yihiin labo, kuwaas oo aan haysan waxbarasho iyo caafimaad lacag la’aan ah. Shaqaalaha maamulka iyo ciidanka direyska xidhan haddii aysan helin xuquuqdooda waxaa meesha ka baxaya amnigii dalka, waxaana fakhrigu noqoneyaa mid sii xumaada, waxaa maamulku waayayaa markasta kalsoonida shacabkiisa. Haddaba dhaqaale xumida dalka ka jidha ma sababin oo keliya hoos u dhaca dhaqaale, xanibaada saaran dhoofinta xoolaha iyo abaaraha dalka ka taagan, waxaa kuwaas oo dhan ka daran in si wanaagsan loo maamuli waayo xoogaaga dhaqaalaha ah ee dalku helaayo, musuqmaasuq, eex iyo qaraabo-kiil ayaana ah musiibada ugu weyn ee dalka ka jidha.MUSUQ-MAASUQA 3% EE PUNTLAND.
Muddooyinkii danbe waxaa Puntland ku soo yaacay dhalinyaro xanbaarsan boorsooyin Laptop ugu jidho, waxay lee yihiin shirkado xafiisyadoodu hawada sare tahay, waxaana ay sheegteen in ay ay wax ka beddelayaan xaaladda dib u dhaca dhanka Tiknoolajiyadda ee Soomaaliya gaadh ahaan dhulka aan ka hadleyno ee Puntland. Tusaale habboon dekadda Boosaaso oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn Puntland iyo midda keliya ayaa nidaamka canshuuraha loo qaadaa uu yahay mid aan la socon casriga maanta adduunku hiigsaday, qaabka canshuuraha ee dekadda Boosaaso loo qaado ayaa u eg “hab ay isku aamini karaan kuwo aan is aaminsaneyn” oo midba midka kale ka shakisan yahay , warqado badan iyo hubin badan oo ay maamulayaan shaqaale aad u badan kuwaas oo ay dhici karto in laga maarmi karo haddii la adeegsado nidaamka Elektronika-da ah. Shirkadda VIVACOM oo la sasaayey 2012-2013 xafiis ku leh dalka Kenya ayaa kamid ah shirkadaha dalka ku soo yaacey, shirkaddan waxaa wada asaastey oo iska leh laba nin oo keliya, kuwaas oo xil isku mid ah ka haya shirkadda. Xuseen Salaad oo ah reer Puntland wax ku bartey dalalka Sweden iyo Ingiriiska muddo u shaqeeyey shirkadda ERICSSON ee dalka Sweden laga lee yahay iyo nin kale oo reer Somaliland ah.Xuseen Salaad mulkiilaha iyo agaasimaha shirkadda VIVACOM, Photo Source: vivatelecoms.com
HESHIISKA VIVACOM IYO PUNTLAND
Shirkadda VIVACOM ayaa la timid barnaamij ay sheegtey in ay iyadu hormarisey oo ay sheegtey in uu ku habboon yahay dakhliga canshuuraha ee dekadda Boosaaso, lagula soconaayo oo ay madaxda dalka u saraysaa ogaanayaan habeenkasta waxa u soo xedhooday oo dakhli ah. Dhamaadkii sanadkii 2014 iyo bilowgii 2015 ayaa shirkaddu xidhiidh la samaysey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas, markii Madaxweynuhu arkey ujeedka shirkadda ayuu ka codsadey in ay la xidhiidhaan Wasiirkiisi Maaliyadda Shire Xaaji Faarax, sida shirkadda VIVACOM wax u dooneysey waxa uu noqdey mid socon waayey, Agaasimaha Shirkadda VIVACOM Xuseen Salaad ayaa arrinta waxaa kala wareegay koox Loobiistayaal ah (lobby group) oo uu kamid yahay Burhaan Maxamuud Gurey, Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan iyo weliba Iimaam Cabdiwahaab M. Guray oo ay isku raas yihiin, waxaana madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas lagu qanciyey in heshiiskan isaga Cabdiweli ahaan faa’iido ugu jidho oo uu kamid yahay doontana saaran yahay, si kale haddii loo dhigo faa’iido wadaag, taasi waxay keentey in Shire Xaaji Faarax lagu qanciyo in uu qalinka ku duugo. Agaasimaha VIVACOM waxa uu soo iibsadey qalab iyo agab isticmaalka barnaamijkoodu u baahan yahay sida Seerfaro (servers) iyo agabka kale ee isku xidhka loo adeegsado (Network equipment). Wasaaradda Maaliyadda waxaa ku dhacay isbeddel bishii June 2015 waxaana wasiir ka noqdey Cabdullaahi Sh. Axmed. Shirkadda oo horey u haysatey oggolaanshaha Madaxweynaha iyo wasiirkii hore ee Maaliyadda ayaa mar kale xidhiidh la samaysey wasiirka cusub, waxaana uu ka dalbadey in ay soo gudbiyaan warqadahooda. Sida Muraayad ay ka ogaatey ilo xog-ogaal ah Wasiirka Maaliyadda Cabdullaahi Sh. Axmed waxa uu warqadaha shirkadda u gudbiyey nin khabiir ku ah arrimaha xisaabaadka oo wasaaradda u joogey la taliye markaas, kas oo hadda xidhiidhiye ka ah mashruuca PFM ee baanka Adduunku maalgeliyo waxaana uu ka dalbadeywasiirka maaliyaddu in uu soo akhriyo nuxurka heshiiska talona ka soo bixiyo.NUXURKA HESHIISKA & CAQABADAHA
Shirkadda VIVACOM ayaa dooneysey in la isticmaalo barnaamijka ay iyadu keentey oo ay maalgelineyso, tababarna siineyso shaqaalaha ku shaqeynaaya, waxaa taas dheer in ay iyadu masuul ka tahay wixii cilad bixin ah, taas oo ah mid ay sameeyaan dhamaan shirkadaha hormariya barnaamijyada afka qalaad loogu yeedho Software, taas beddelkeeda shirkaddu si toos ah barnaamijka ugama iibin Puntland, waxayse dalbatey in ay hesho bilkasta 3% dakhliga canshuurta ee dekadda Boosaaso!!, heshiiskan oo ah mid aan weligiis horey loo arag mid lamid ah. Shirkado badan oo iska leh barnaamijyo ay iyagu hormariyeen oo sameeyeen sida Microsoft Office iyo Adobe’s Creative Suite iyo kuwo kale oo badan ayaa laysanka ama shatiga isticmaalka barnaamijyadooda u beddelay khidbad joogto ah oo bil ama sanad ku xadeysan (subscription licensing) halka markii hore qofku awood u lahaa in uu gato isticmaalka laysanka abadiyan (Perpetual Licensing). Khidmadda joogtada ah ee ay qaadayaan shirkadaha Microsoft & Adobe iyo kuwa lamidka ah ayaa ah mid qoondeysan oo jaan go’an “fixed price” ama ha ahaado bilkasta ama sanadkasta hal mar. Laakiin shirkadda VIVACOM waxay martey qaab kale oo aan xad yeelan karin taas oo aysan marna khasaare ku qabi karin faa’iido moyee, cidda keliya ee khasaaraha ku qabi kartaa waa canshuur bixiyaasha Puntland oo aan waxba dib ugu soo laabaneyn, waxaana heshiiska ugu qoran in ay leedahay dakhliga canshuurta Puntland 3%. Sida aan kor ku xusney baadhitaanka Goojacade samaysey, khabiirka loo dhiibey in uu ka soo talo bixiyo oo magiciisa lagu sheegay Cabdulqaadir Xaashi Gurey ayaa soo jeediyey in heshiisku uu yahay mid aan la qaadan karin, wuxuu sheegay in aan loo baahneyn gebi ahaantiisba barnaamijka, waxa uu sharci darro ku tilmaamey in canshuurta saami go’an looga gooyo shirkad si gaadh ah loo lee yahay taas oo ceeb ku ah maamulka Puntland weji-gabaxna ku noqon karta barnaamijyada isbeddelka ee Baanka Adduunku wado ayuu yiri Cabdulqaadir Xaashi. Cabdullaahi Sh. Axmed Wasiirka Maaliyadda Puntland talada khabiirka sideeda ayuu u qaatey waxaana uu warqadihii ku saydhey Xuseen Salaad Agaasimaha VIVACOM. Agaasimaha Shirkadda VIVACOM ayaa dib ugu laabtey Garoowe bilihii July- Agusto 2015, si uu dacwad uga geeyo Wasiirka. Maaliyadda, waxaa arrinta mar kale soo dhexgalay Loobistayaashii hore Burhaan Maxamuud iyo Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan, waxaana ay Cabdullaahi Sh. Axmed ku qanciyeen in uu barnaamijka oggolaado isagana ay faa’iido ugu jidheyso. Cabdullaahi Sh. Axmed waxa uu dib u soo celiyey Xuseen Salaad isaga oo aan gaadhin Madaxtooyada Garoowe, waxaana u dhegaha ka xidhey taladii khabiirka xisaabaadka Cabdulqaadir Xaashi Gurey.MASHRUUC BILAA TARTAN AH
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo horey u balan qaadey in fursadaha loo tartami doono. Barnaamijkan ayey ahayd in ay marto.- Soo bandhigida baahida Puntland
- Baahinta cidda dabooli karta baahida
- Kala saarida shirkadaha soo dalbada
- Xulashada shirkadda ku habboon