Maxaad ka taqaanaa taariikhda Maalinta calanka Soomaaliyeed ?

0

Maanta, oo laga joogo 61 sanno maalintii la hindisay, oo haddana la soo bandhigay, calan Soomaaliyeed oo ka babada Soomaaliya iyo dunida inteeda kale, ayaa haddana istaahisha in da’yarta Soomaaliyeed loo soo bandhigo taariikhda calankeena baluuglaha ah ee cawaale. Xilligii uu bilowday xornimo-doonka Soomaaliya waxay ahayd xilligii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee dunida oo ay kaceen dhallinyaradii ururkii xornimo-doonka SYL. Wax gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga dhagax iyo dab lagu tuuraba waxay soo gaartay in qaylo-dhaantii istiqlaalka ay gaarto Qaramada Midoobay 1949kii ayaa Gollaha Guud ee Qaramada Midoobay go’aamiyay in Soomaaliya la siiyo xornimo-gaarsiin ku siman muddo 10 sanno ah oo ay Soomaaliya sii maamuli doonnaan Talyaaniga, Soomaalida, bulshooyin aan Soomaali ahayn iyo guddi 3 dowladood ka kooban oo talooyin siiya maamulkii xornimo-gaarsiinta. Saddexdaas dowladood waxay kala ahaayeen Masaarida, Filibiin iyo Kolombiya. Ingiriiska oo Soomaaliya oo dhan xoog ku qabsaday dagaalkii labaad ee dunida wuxuu goostay inuu isaga huleelo koonfurta Soomaaliya bishii Abriil 1950kii. Markiiba waxaa taladii la wareegay maamulkii xornimo-gaarsiinta ee Talyaanigu hoggaaminayay. Isla bilahaas hore ee sannadkii 1950kii Talyaanigu waxay dhiseen golle sidii baarlamaan ah oo ka arrimiya Soomaaliya inta ay gaarayso waqtiga xornimada buuxda oo loo asteeyay ee 1960kii. Gollaha la dhisay waxay isagu jireen Talyaani, Soomaali, Carab iyo Hindi daganayd Soomaaliya. Soomaalidii ka midka ahayd gollaha waxay jeclaayeen in Soomaaliya loo sameeyo calan ay dadka Soomaaliyeed jaa ay yaqaanaan marka xornimada ay qaataan, laakiin taas Talyaaniga iyo taageerayaashiisii ma rabin in la sameeyo calan Soomaalidu hindistay oo daruufaha iyo doonista Soomaalida xanbaarsan. Talyaanigu waxay doonayeen inay aakhirka marka xornimadu soo dhawdahay ay alifaan calan midabo badan leh oo shabaha calanka Talyaaniga. Maxamed Cawaale liibaan, oo ahaa aqoonyahan ayna gollaha xeer-dejinta u soo dirsadeen ururkii shaqaalaha Soomaaliyeed, wuxuu ka mid ahaa Gollaha xornimo-gaarsiinta Soomaaliya. Maxamed Cawaale Liibaan iyo Soomaalidii gollaha kula jirtay waxay soo bandhigeen fikrada ah in la sameeyo calan Soomaaliyeed, isla mar ahaantaana naqshadaynta calankaas ay ka shaqeeyaan Soomaalida oo kaliya. Taladii Maxamed Cawaale Liibaan waa la isku afgartay waxaana lagu balamay in laga doodo maalintii taariikhdu ahayd 12kii Oktoobar 1954tii. Subaxaas 4.30 subaxnimo ayaa la isagu yimid xuruntii Gollahii maamulayay Soomaaliya, halkaas oo uu Maxamed Cawaale Liibaan markiiba ka codsaday gollihii inuu jeediyo hadal yar, kaas oo loo ogolaaday. Jeebka jaakadiisa ayuu kala soo baxay naqshad yar oo uu xalay oo dhan soo dhiraandhirinayay. Waa calanka baluuga ah ee aanu maanta hoos harsano. Hal mar ayaa si qiiro leh dhamaan xubnihii Soomaalida ahaa ee gollaha ku jiray sacab aan kala joogsi lahayn ula istaageen. Waxay noqotay markii sawaxankii iyo qiiradii istaagi waayeen in xubnihii kale ee Talyaaniga, carabta iyo Hindidu ku raaceen Soomaalidii in baluugle yahay calanka rasmiga ah ee Soomaaliya. Maxamed Cawaale liibaan waxaa laga weriyay inuu ku macneeyay naqshada calanka Soomaaliya inuu yahay midab baluug khafiif ah ah oo wareeg ah oo dhexda ay kaga taal xidig shan gees leh oo midab caddaan ah leh. Wuxuu sheegay in midabka baluuga ah uu u taagan yahay midabka calanka Qaramada Midoobay oo Soomaaliya xornimada gaarsiinaysay. Sidoo kale, baluugu wuxuu muujinayaa badwaynta Hindiya oo Soomaaliya ku goolaaban. Midabka caddaanka ah ee xiddigta caddi waa nabad-jacayl iyo barwaaqo, halka xiddigta shanta gees leh u taagan tahay Shantii gobo lee Soomaaliyeed ee gumaystuhu kala qoqobay: Soomaalida koonfurta ee Talyaanigu xukumay, waqooyiga Soomaaliya oo Ingiriisku xukumay,gobolka NFD oo Ingiriisku raacshay Kenya, Jabuuti oo Faransiisku haystay iyo gobolka Soomaali galbeed oo gumaystuhu Itoobiya ku wareejiyay. Maanta oo ay ku aadan tahay 61 sanno ka hor waa maalintii calan soomaaliyeed samada loo taago oo ay yeertay halhaysta “Soomaaliya ha noolaato”. Ilaahay jannadii haka waraabiyo geesiyaashii, xornimo-doonkii Soomaaliyeed ee suuragaliyay riyadii ay waligood aaminsanaayeen oo ahayd in Soomaaliya is raacdo. Soomaaliya ha noolaato. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here