MAXAAD KALA SOCOTAA MUSHARAXASIDA WEYN LOOGU SAADAALINAYO IN UU NOQDO MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

0

MUQDISHO- Dadka Soomaaliyeed ee Daafaha Dunida ku kala nool ayaa si weyn uga dhursugaya natiijada kasoo bixi doonta doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee lagu wado in magaalada Muqdisho ka dhacdo 8-da Bishan Febraayo.

Doorashada Madaxweynaha ayaa sanadkan ah mid aad u xamaasad iyo xiiso badan, waxaana halka kursi ee yaala Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ku tartamaya 24-Musharax ay ku jiraan qaar saameyn badan ku dhax leh Siyaasada.

Musharaxiinta Madaxweyne ayaa waxaa ku jira Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Siyaasiyiin kale oo dalka xilal kala duwan horey uga soo qabtay.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa aamiinsan in doorashadan ay ka adag tahay kuwii hore ee dalka ka dhacay ayna suurto gal tahay in Xildhibaanada Labada Aqal ee isbadal sameeyaan , waxaana la saadaalinayaa in dhoor Musharax uu midkood kursiga kusoo baxo.

Musharaxiin saameynta badan leh aadna loo saadaalinayo in uu ku guuleesaan karaan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dalka horey Madaxweyne uga soo noqday , waxa Shariifka mar kale qarka u saran yahay in uu Madaxweyne noqdo.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa badankood taageersan Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo waxqabad muuqda la yimid intii uu ahaa Madaxweynaha Soomaaliya, waxa ayna shacabka Soomaaliyeed aaminsan yihiin hadii Sheekh Shariif guuleesto in in dalka wadada Horumarka uu cagta saari doono.


Sida aan Warar hoose ku helnay Sheekh Shariif ayaa taageero badan ku dhax leh Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxa uu sidoo kale xubin ka yahay Musharaxiinta is baheestay kuwaa oo doonaya in dalka uu isbadal ka dhaco uuna soo baxo Hogaamiye cusub.

Falanqeeyaasha Siyaasada ayaa aaminsan in Sheekh Shariif uu yahay shaqsiga loo badinayo in uu kusoo bixi karo xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxa uuna Shariif taageero dadban ka helayaa dhinacyo dadban oo la dhacsan Siyaasadiisa.

Ololaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si xoogan uga socda magaalada Muqdisho, waxaana saacad kasta hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay isugu taga Xildhibaano aad u badan kuwaa oo ah taageerayaasha dhabta ah ee Sheekh Shariif.


Shacabka Soomaaliyeed ayaa aaminsane hadii uu Sheekh Shariif guuleesto in ay wada guuleesteen umada Soomaaliyeed maadaama Sheekha uu yahay nin lagu bartay waxqabad muuqda kana fog eex iyo nin jecleysi . 

xigasho: www.allbanaadir.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here