Maxamed Jabarji Xasan oo baaq Nabadeed u diray Beelaha Walaalaha ee ku dagaalamaya Dharkeyn

0

Maxamed Jabarji xasan oo ka mid ah Siyaasiyiinta Gobolka Sool ayaa ka hadlay Dagaalka ka soconaya deegaanka dharkayngeenyo ee Gobolka Sool Waxaana uu baaq Nabadeed u diray Beelaha Walaalaha ee ku dagaalamaya Deegaamadaasi Maxamed Jabarji xasan ayaa baaqiisa nabadeed ku yidhi ” Waxaan baaq Nabadeed u dirayaa dadka iyo beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaamada Dharkayn geenyo ee Gobolka sool, waxaan leeyahay Walaalayaal Dagaal Wiil kuma dhasho ee wiil ayaa ku dhinta, waxaad tihiin dad ehel ah, dad isu seedi ah, dad isu sodog ah iyo dad ilmaadeer ah, Joojiya Xabada oo Nabada usoo Noqdo, Maxaa yeelay dagaalkaasi ila hada waxaa ku naf waayay ku dhowaad 50 qof, waxaanan idin leeyahay Faaiido Taasi Maaha, Waa Khasaare Weyn Waxaa lagu Jiraa Bishii Barakada badnayd ee Ramadaan, Cibaadadii inaad ku Doorsataan Dagaal iyo Xabad iyo dhiig data Maaha Wanaag, Walaalayaal Waxaan idin leeyahay Dagaalkaasi Mudada soo noqnoqanayay ee istaagi Waayay Iska Joojiya, Ilaahay Ka baqa hadii aydaan Idinku Kala baqaynā€¯. Jabarti ayaa u mahadnaqay Xukuumada Somaliland oo uu sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay ugu gurmanayso dadkaasi walaalaha ah ee shaydaan ka dhex shaqeeyey, isagoo si gaar ah u xusay Wasiirada Wasaaradaha Madaxtooyada, Arimaha Gudaha, Warfaafinta iyo Dib U Dejinta oo ku sheegay inay u guntadeen deminta colaada ka socota degaano ka mid ah Gobolka Sool. Ugu dambeyntii Siyaasigan ayaa talooyin waano ah u diray Xubno Qurbajoog ah oo uu ku sheegay inay hurinayaan colaada deegaanka Dharkayn geenyo, isagoo ugu baaqay iyagana inay colaada ay hurinayaan iyo Dhaqaalaha ay ku bixinayaan in Dagaalkaasi sii socdo isla, ay ugu bedelaan Wax faaiido u ah Bulshada oo Noloshooda kor u qaadaya.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here