MAXAMUUD GARAAD WAA KHAATUMO CID MAAMULADA KU JIRTA OO METESHAANA MA JIRTO

0

Tan iyo intii ay soo baxday in ay wadahadlayaan Maamulka Khaatumo iyo Somaliland waxaa is urursanayey shakhsiyaad dan gaar ah leh oo isugu jira Isimo iyo siyaasiyiin loo adeegsanayey inay kala qaybiyaan beelaha Khaatumo, iyagoo si qabyaaladaysan ugu ololaynayey inaan Maamulka Khaatumo loo dhamayn ama beeshooda metelin. Shaqsiyaadkan ayaa qaarkood gaar ahaan kuwa Beesha Maxamuud Garaad ku doodayaan in Beeshoodu ay heshiisyo la gashay Xukuumada Somaliland, iyagoo soo qaadanaya Shirarkii Awrboogeys iyo Adhicadeeye, sidoo kale tusaale u soo qaadanaya Magacaabista Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ay wax magaratada u tusayaan inay qayb ka tahay heshiiskii Awrboogeys. MAXAA KA FULAY HESHIISKII AWRBOOGEYS? Ilaa hadda Xukuumadda Somaliland heshiiskii Awrboogeys hal qodob kama fulin, mana muuqato inay diyaar u tahay, fulin daayoo waxay hor dhigtay caqabado, Magacaabista Wasiirka Arimaha Gudaha Yaasiin Faratoon maaha wax u soo kordhay Beesha, kumana imaan taageerada, kalsoonida iyo talada beesha, kumana metelo, qaybna kama aha heshiiskii Awrboogeys, ee wuxuu ka ritay oo lagu bedelay inaadeerkii Cali Sandule oo ahaa wasiirkii Shaqada iyo Arimaha Bulshada. Gebagebaddii Beesha Maxamuud Garaad waxay ka mid tahay Beelaha degaamada Khaatumo, waxayna baxda wixii ay kuwa kale baxaan, waxayna qayb ka yihiin wadahadalka u bilowday Somaliland iyo Khaatumo, cid Maamulada ka tirsan oo meteshaana ma jirto, maadaama ay yihiin shaqaale u shaqeeya cida magacaabatay oo Khaatumo wadahadalka kula jirto. Shacabka Reer Khaatumo oo beesha Maxamuud Garaad ugu horaysona waxaa la gudboon inay si midaysan wadahadal ula galaan Somaliland, oo ay ka digtoonaadaan QAYBI OO XUKUN, farsamooyinka isxambaarka iyo kuwa u adeegaya ee ku shaqaysta qoys qoyska hoose. Wabilaahi towfiiq Qore: Khaalid M Muuse Dhiil UK]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here