MAXAMUUD GARAADNIMO WAA WACNAYD EE FARATOON BAA ALLE U DIRAY (ILLAAHAY DARTIIS DADKA DHAAF)

0

Shirarkii Awrboogays iyo Adhicadeeye waxay ahaayeen mid lagu mideeyey shacabka Sool iyo Sanaag, iyadoo ujeedadiisuna ahayd in looga gudbo dhamaan degaamada SCC. Heshiisyadaasi waxay ku curteen Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo ay ku UMULRAACDAY MAXAMUUD GARAADNIMDII iyo heshiisyada la galay. Faratoon siyaasada wuxuu ku bartay burburinta Maxamuud Garaad sida Jaamac Siyaadow aan Ugaadhyahan iska celino, ilaa heer Jaamac Siyaad la sii kala gurguro, laakiin adigu hogaami iyagoo isku dhan weligiis kama fekerin, mana baran sida loo maamulo. Maalintii la magacaabay oo la yidhi Reer Sanaag iyo Sool hogaami cidi kaaga dambeyn meysee ayuu kooomo galay, ficilkuu ku kacaana wuxuu noqday kuwii uu horay u yiqiin, ceebtii ugu weynaydna waxay ku dhacday maalintii uu Inaadeerkii Ina Jaamac Daad u magacaabay Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Sool. Bil ka hor buu beeshiisa wuxuu u soo qaaday balanqaadyo qoraal ah, weli meelna ma geyn, waxaana loo sheegay inaan waqti loo haynin. FARATOON KAMA JAWAABI KARO SOMALILAND CALI KHALIIF OO AAN CID HAYSAN BAY MAALIN WALBA MEEL KULA SHIRAYSAAYE SIDEE ADIGOO SOOL IYO SANAAGBA HAYSTA, CODNA LEH, waqti kuugu weyday? Maxamuud Garaad waxaa maanta u furan hadalkii dagaalkii labaad lagu yidhi Raiisalwasaarihii Ingiriiska ee Winston Churchill ka horeeyey: ILLAAHAY DARTIIS NAGU DHAAF. Xigaasho:-Www.xaysimo.com Goojacade.com Laaacaanod-Soomaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here