Maxamuud Xaashi oo ku guuldaraystay talaabooyin uu ku wiiqayo isdiiwaangelinta G Sool

0

Tan markii uu guuleystay shirkii Awrboogeys oo xukuumadu rajo ka qabin inuu guulaysto, islamarkaana Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ay u cadaatay in shacabka Sool iyo xaysimo diyaar u yihiin inay isdiiwaangeliyaan, taasoo khatar ku ah kuraastii boobka ahayd ee beeshiisu ku qaadan jirtay Degmadda Caynabo. Maxamuud Xaashi wuxuu ku kacay qodobo dhowr ah oo uu u arkayey inay curyaamin karaan isdiiwaangelinta shacabka Goboladda Sool iyo Xaysimo. Iskudayada uu ku guuldaraystay waxaa ka mid ahaa fashilinta heshiiskii Awrboogeys, isagoo xooga saaray siduu uga daba keeni lahaa kooxda Cali Khaliif, oo uu uga jeeday dhabarjebin iyo inuu kaga cadheysiinayo dadka, laakiin waxay noqotay arin lala fahmay. Maxamuud Xaashi ayaa si badheedh ah isaga indho tiray in degaamada cusub ee diiwaangelinta u diyaarka ah loo sameeyo goobo diiwaangelineed oo ay iska diiwaangeliyaan, si aan tiro farabadani ay degaamadaas iskaga diiwaangelin. Maxamuud Xaashi wuxuu todobaadkan waqtigiisa isugu geeyey siduu u burburin lahaa, oo isaga horkeeni lahaa beelaha Maxamuud Garaad, isagoo reer reer iyo qoys qoys ula xidhiidhayey si uu u kala jejebinayo oo iska horkeeno si ay diiwaangelinta isugu khilaafaan. Ugu dambeyntii Magacaabistii Wasiirka Arimaha Gudaha iyo xubno beesha ka tirsan ayaa ahayd mid lagaga hortegayey balan ay Beesha Maxamuud Garaad iyo Xukuumadu ku balansanaayeen diiwaangelinta ka dib, iyadoo magacaabistu ahayd mid beesha dhexdeeda lagu kala shakisiinayo, si loo wiiqo midnimaddii Beesha iyo habsami isu diiwaangelinta degaanka. Sikastaba hayska ahaatee isdiiwaangelinta Gobolka Sool iyo Xaysimo waxaa dani ugu jirtaa Somaliland, laakiin Maxamuud Xaashi wuxuu ka doortay dan qabiil iyo mid gaar ahaaneed. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here