Maxay si gaara uga wada hadleen Farmaajo & Antonio Guterres?

0

Muqdisho (Goojacade.com)-Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia soo gaaray Xogahayaha cusub ee QM Antonio Guterres ayaa kulan Khaas ah la yeeshay Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo oo ay kaga hadleen arimo khaas ah.

Madaxweyne Farmaajo iyo Antonio Guterres, ayaa kawada hadlay xaalada ka jira Somalia, Siyaasada, Amniga, Horumarka, Xukuumada cusub iyo Abaaraha. Labada mas’uul ayaa ku dheeraaday arrimaha Amniga iyo Abaaraha, waxa ayna isla fahmeen in lagama maarmaan ay tahay in leyska garabsado xaalada taagan. Antonio Guterres, ayaa Madaxweynaha u sheegay in QM ay u taagan tahay wax ka bedelka xaalada dhabta ah ee ka jirta Somalia, waxa uuna cadeeyay inay muujinayaan garab dhan waliba ah. Antonio Guterres, waxa uu sheegay in QM ay laba jibaareyso garabsiinta DFS, waxa uuna carab dhabay inay garab ka geysan doonaan dhammaan qodobada kor ku xusan.
Madaxweyne Maxamed Cadbullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulanka kadib warbaahinta u sheegay inay kawada hadleen sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameysay abaarta ee ku sugan qeybo kamid ah Dalka loona bad baadin lahaa nolosha dad badan oo halis ugu jira abaarta. Waxaa kale uu sheegay madaxweynuhu in kulankaasi ay uga hadleen amaanka dalka iyo xoojinta dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo uu balan qaaday xogahaye Antonio Guturres inuu garab istaagi doono dowlada cusub. Dhinaca kale, Antonio Guterres, ayaa isna yiri ”QM waxa ay buuxin doontaa kaalinteeda ku aadan Somalia, Dowlada cusub waxa ay nooga duwan tahay kuwii hore waxaan ballanqaadeynaa inaan muujin doono kaalin libaax” Waa markii ugu horeysay xogahaya cusub ee Qm uu yimaado Muqdisho,kaasi oo bilaawgii sandkan xilka kala wareegay xoghayihii hore ee Banki-moon. Goojacade.com Xafiiska Muqdisho Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here