MAXAY TAHAY FAA’IIDADA IYO KHASAARAHA ADEEGA LACAGTA MOBILKA, MUXUUSE YAHAY QORSHAHA CUSUB EE PUNTLAND?

0

Wadankii ugu horeeyay ee isticmaalana waxa uu ahaa wadanka Filibiin, Intaasi ka dib waxa uu u soo gudbay qaarada Afrika sida Yugaandha, Kiiniya, Tansaaniya, Soomaaliyana waxay noqonaynaa wadankii 5-aad ee isticmaala adeegan cusub . Adeegani mudadaa hada ku dhaw sideeda sano boqolkiiba saqaashan (%90) bulsha waynta macaamiisha la ah shirkadaha isgaarsiinnta amaba Soomaaliyeed aadiyo aad ayay ugu xiran yihiin waxaanu u fududeeyay hawlo badan, walow dhanka kalena la sheego inuu khasaarihiisa kawato. Adeegani si fiican ayuu uga shaqeeyaa dhamaan dhul waynaha Soomaaliya caasimad, gobol, tuulo,degmo, miyi iyo mgaalaba. Maxay tahay faa’iidada lacagta Mobilka (Mobile Money) ? 1– Waxa uu dadka ku nool miyiga ufududeeyey inay si sahlan magaalada uga helaan wax yaabaha ay uga baahan yihiin sida  hadii uu qof ehelkooda oo jooga magaalada uu rabo inuu lacag u diro inay si fudud ay lacagtaasi usoo gaari karto. 2- bixinta biilasha sida Jamacadaha, iskuulada, dugsiyada iyo Goobaha wax barashada. 3- In qofka uu si deg deg ah u helo lacagta asaga oo aan shirkad tagin 4-U fududeenta Bulshada Soomaaliyeed in ay lacago Culus jeebka ku qaataan maadama lacagta shillinka soomaaligu waayadii danbaba ahayd mid si aada usii qiima beelaysa. 5- In xawaaladaha qaar ay kuugu soo dirayaan adeegyada SAHAL iyo EDAHAB lacagta dibada lagaga soo diro adiga oo aan tegin xarumaha shirkadaha xawaalada ayey lacagtaadii kuugu soo dhacaysaa mobilkaaga. 6- in hadii aad account ka furato Bankiyada gaarka loo yahay qaarkood adoon tagin xarunta banka aad lacag dhigan karto kalan bixi karto, kalana socon karto dhaqdhaqaaqaaga. Qodabadaas kor ku xusan iyo qaar kaloo badan oo aanaan halkan ku soo koobi karin ayuu adeegan kusoo kordhiyey bulshada Soomaaliyeed guud ahaan. Maxay tahay khasaaraha adeegan? 1- Waxaa la aaminsan yahay tan iyo markii uu bilowday adeegan in degaanada laga isticmaalo ee soomaalida guud ahaan uu ka taagnaa sicir barar baahsan oo dhul dhigan waayey, waayo adeegani wuxuu si ba’an ugu quur gooyey lacagtii aan horayba cagaha adag ku taagnayn ee Shilinka soomaaliga, madama lacagta kaliya ee uu ku salaysan yahay ay tahay tan Dollar-ka Mareykanka, waxay dadka intiisa badan qabaan in adeegani uu yahay hooyada iyo aabaha sicir bararka baahsan ee guud ahaan dalka ka jira. 2- Wax ticraaca oo aanay lacagtani lahayn ama “reference” oo macneheedu yahay in qaabka layskugu gudbinayo lacagtan oo ah mid “digits” ah oo aan la garanayn ilaa xadiga la isticmaalay lacagtan taas uma jeedo xadiga aad diri karto oo ay ugu badan tahay 2,000 oo dollar inkasta oo ganacsatada loo kordhiyo hadana umada oo dhani si guud ayay u isticmaashaa lamana oga xadigaa xad dhaaf ka ah oo dadku waxay isku dhaafsadaan uun digits laakiin lacagtan adag waxaa haysata oo ka faa iidaysatay shirkadaha adeegan bixiya. 3-Hadii uu khalkhal ku yimaado adeegan ma jirto meel loo ticraaco ama loo doonto lacagtan mana jirto wax heshiis ah oo dhex maray shirkadan iyo macaamiisheeda oo ku saabsan hadii magdhaw la siinayo marka ay dhacdo dhibaato oo uu maalkiisii ku waayo macmiilku, waxayna dad badan aaminsan yihiin in adeegan ay ku jirto khiyaamo badan oo ah in lacagihii adkaa ee dadka ay shirkado kooban qaatan kadibna dadka lasiiyo digits aan lahayn heshiis cad oo ah hadii la waayo halka ay lacagtoodii u raacayaan. 4- Qiima dilka lacagtii dalku waa dhibaatada ugu weyn ee uu dalka u geystay, guud ahaan bulshada Soomaaliyeed badeecadoodu waxay ku salaysan tahay dollar waxaana la aaminsan yahay inay sabab u tahay isticmaalka adeegan dollarka ku salaysan oo guud ahaan dadkii meel walba ha joogaan miyi iyo magaalo ka dhigay kuwo isticmaala lacagta dollarka iskana tuuray shillinkii soomaaliga. 5- Adegaan waxaa la aaminsan yahay in laga maamulo meelo ka baxsan Puntland, ayna maamulaan dad aan la socon nolosha iyo dhaqaalaha dadka ku dhaqan Puntland, waxayna taasi sababi kartaa inuu la jaanqaadi waayo nolosha iyo dhaqaalaha bulshada adeegan isticmaasha ee ku nool Puntland. 6- Ugu danbayntii waxaa jira dhac mararka qaar loo geysto dadka adeegan isticmaala oo intii loo diro fariin u eg tan adeegan lagaga dhaco hanti aad u fara badan mana dhacdo in loo magdhawo hantida laga dhacay. Maxaa diidaaya in adeegan loo badelo shillinka Soomaaliga?  Dawlada Puntland ayaa marar kala duwan iskudayday inay shrikadaha bixiya adeegan ka dhaadhiciso inay adeegooda kusoo daraan shillinka Soomaaliga oo laga dhigo mid lagu isticmaali karo dollar iyo Shillin soomaali labadaba hase ahaate waxay xogaha PUNTLAND POST soo garaaya sheegayaan in shirkaduhu si aada uga biya diideen inay shillin Soomaali kusoo daraan, walow shirkadda SOMTEL aqbashay in adeega E-DAHAB ay ku darto isticmaalka shillinka Soomaaliga. Dhanka kale Dawlada Puntland ayaan qaadin talaabo dhaba oo ay shirkadahan ugu cadaadinayso inay shillinka Soomaaliga kusoo daraan adeegooda. Wasaaradda maaliyada iyo Bangiga dhexe ee Puntland oo markii ugu horeeyey diyaarinaaya qorshe cusub  Sida uu helaayo wargeyska PUNTLAND POST Wasaaradda maaliyada Puntland oo uu hogaaminaayo wasiirka cusub Cabdillaahi Carshe Dhaqaaje oo gacan ka helaaya banka dhexe ee Dawlada Puntland ayaa gacanta ku haya qorshe cusub oo isbadel loogu samaynayo adeega mobilka lacagta, kaas oo ah in adeegan aan lagu shuban karin wax ka yar konton dollar($50), lagana diri karin si ay u fududaato in wax yaabaha yaryar lagu iibsado lacagta shillinka Soomaaliga oo maalmihii u danbaysayba u muuqatay mid meesha kasii baxaysa. Sida ay PUNTLAND POST helayso wasiir Dhaqaaje iyo kooxdiisa ayaa ku adkaysanaaya in qorshahan la hirgeliyo si loo badbaadiyo isticmaalka shillinka Soomaaliga waxaase si aada uga biyo diidan qorshahan qaar kamida shirkadaha Isgaarsiinta oo raba in adeegooda sidooda loogu daayo waxayna dacwad u gudbiyeen madaxda ugu saraysa Puntland walow aan la ogayn talaabada ay ka qaadan doonaan iyo inay Wasaaradda Maaliyada iyo Banka dhexe u tixgelin donaan shaqadooda maamada ay tani tahay mid kamida waajibaadka labadaas hay’adood saaran. Talaabadan cusub ee ay gacanta ku hayaan Wasaaradda Maaliyada iyo Banka dhexe ee Puntland ayaa kusoo aadaya xili maalmihii ugu danbeeyey guud ahaan degaanada Puntland laga diidey isticmaalka qaar kamida lacagta shillin Soomaaliga oo loo sababaynaayo dadkii oo u batay inay istcmaalaan adeegyadan dollarka ku salaysan, sidoo kale sicir barar baahsan oo guud ahaan dalka laga dareemaayo. Si dhaba looma oga in Wasaarada Maaliyada iyo Banka dhexe ee Puntland ay qorshahan kaga dhabayn doonaan iyo in uu noqon doono mid dhicisooba.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here