Maxay Tahay Sabaabta keentay in uu Farmaajo isugu waaco Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka?

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa Marki ugu Horeeysay Madaxda Maamul Goboleedyada Isugu Yeeray Magaalada Muqdisho ,iyada oo la filaayo in uu dhaaco Kulaan weyn oo ay Yeelanayaan Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Dhexe. Caasumada Shirkaan ayaa waxaa Iska Laha Dowlada Federaalka   Soomaliya,waxaana loo  Yeeray Dhamaan Madaxda Maamul Goboleedyada iyada oo uu Amarkaas Bixiyey Maxamed Cabdulaahi  Farmaajo oo ah Madaxweynaha soomaliya. Xogta ay Helayso Goojacade.com ayaa Tibaaxeysa in ujeedka Shirkaani  uu Yahay  sidii ay Dowlada iyo Maamul Goboleedyadu Uga Taashan lahaayen Shirka dhaawan la filaayo in Lagu qabto Caasimada Dalka Ingiriiska ee London Bisha soo socota ee May . Dowlada Farmaajo ayaa Qorsheysay in ay shirka Geyso Hal qorshe ay isku wafaqsanyihiin dowladu dhexe iyo Maamul Goboleedyada si Looga Hortaago in uu shirka ka  dhaco isbarbaryac. Ujeedka shirka London ayaa lagu sheegay in uu Yahay sidii dowlada soomaliya looga Taageri laha dhinacyada Amniga,dhaqaalaha ,dib uu dhiska iyo qorshe cusub oo soomaliya loo dhigaayo. shirkaan wejigiisi hore ayaa waxaa  ka qeybgashay Dowladi uu Madaxda ka ahaa Xasan sheikh Maxamuud ,waxa aana kaalin libaax leh kulaha  Maamul Goboleedyada Dalka. Goojacade.com Muqdisho-Soomaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here